Calankii oo hoos baa loo dhigaye, Muuse ma ogyahay, mise ma oga? Q: M. F. Qoti

GOOBTII LAGU XUSAY 28-GUURADA SOMALILAND EE 18-KA MAY 2019 EE HARGEYSA
GOOBTII LAGU XUSAY 28-GUURADA SOMALILAND EE 18-KA MAY 2019 EE HARGEYSA

Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo calankii towxiidka ku xardhanaa hoos u dajisay,  Somaliland  waa wadanka labaad ee haddii qoraxdu u soo baxdo  iyo haddii ay maqan tahayba la muujiyo oo uu iftiiminaayo towxiidka ku xardhan calanka astaanta qarankoodu ee aan waligood la dajin, hoosna loo dhigin.

GOOBTII LAGU XUSAY 28-GUURADA SOMALILAND EE 18-KA MAY 2019 EE HARGEYSA
GOOBTII LAGU XUSAY 28-GUURADA SOMALILAND EE 18-KA MAY 2019 EE HARGEYSA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddaba, sida  maanta ka muuqata goobtii  ay ka babanayeen  24-ka calan ee lagu xusayey 18-ka May – sannadkan , ayaan hoos loo dhigay 23-ka mid ahaa calamadaas, hal calan oo u furmi waayey mooyaane.

Sida aan ku hellay warar xogogaal ah, waxa la ii sheegay in uu hoos u dhigay calamadaas Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Maxamed Cali Bille.

Dhinaca kale, waxa aan habayaraatee si fiican u gudan shaqadoodii saxaafada iyo xisbiyadda mucaaridka ee jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ka seexday in ay saxaan ama ay toosiyaan wixii ka khaldama xukumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madax-weyne Jamhuuriyadda Somaliland, mudane .Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kalena, waxaan ku boorinlahaa dhalin yarada muwaadiniinta ah in  ay  hoos u  eegaan khaladaadka ka jira xukumada si ay u saxaan wixii ka khaldama.

Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com