Wiil Indhihiisu Buluug yihiin oo Dalkiisa iyo Dunidaba Mucjiso ku noqday – Warbixin iyo Sawirro

Abushe INDHABULUUGLE MUCJISADA ETHIOPIA 2019
Abushe INDHABULUUGLE MUCJISADA ETHIOPIA 2019

Ethiopia(aftahannews):- Abushe waa Wiil mucjiso ah oo ku nool dalka Itoobiya. Midabka indhihiisa ee gaarka ah ee Buluugga ah, ayaa ka dhigay mid layaab leh, wayna adag tahay in dalka oo dhan laga soo helo qof isaga oo kale ah.

Abushe INDHABULUUGLE MUCJISADA ETHIOPIA 2019
Abushe INDHABULUUGLE MUCJISADA ETHIOPIA 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Abushe waxa uu ka yimid Jinka oo ku taalla Koonfurta Itoobiya. Midabkiisa madowga ah ayaa sababay in indhihiisa buluugga ah ay qabsadaan dunida.  Wiilkan yari, waxa uu ku dhashay xaalad loo yaqaano Waardenburg Syndrome oo saamayn ku yeelata korriinka indhaha, isbeddelna ku samaysa midabkooda. Sida ay sheegtay Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaydka iyo daawooyinka, xaaladda noocan ah aad ayay u yar tahay, waxaanay ku qiyaastay in 40,000 (afartankii kun) ee ruuxba uu hal qof noocan oo kale noqdo.

Markii uu Abushe dhashay, layaab ayay indhihiisa buluugga ah ku rideen qof kasta. Waalidiintii dhalay markii ay arkeen, naxdin way ka naxeen, waxaanay u qaateen inuu indho la’ yahay. Maadaama ay ku noolaayeen fiqiirnimo ba’an, awood umay lahayn inay dhakhtarka geeyaan oo la daaweeyo, laakiin xilli dambe ayay fahmeen in aanu indhoole ahayn ee ay tahay xaalad qariib ah, waxaanay ku tilmaameen “hadiyad Allah uga timid.”

Markii uu sawir qaadaha Faransiiska ah ee Eric Lafforgue la kulmay Abushe horraantii 2016, waxa uu wiilku kula noolaa awoowgii iyo ayeydii buul yar oo ka samaysan caws iyo loox. Waxa uu awood u lahaa inuu tago iskuulka, waxaana cuntada siin jiray macaamiisha naxariista leh ee hudheelada kasoo horjeeda goobta. Nasiib-darro, dab ayaa ka kacay buulkii ay degganaayeen. Isaga iyo ayeydii way ka badbaadeen dabkaas iyadoo aanay dhaawacyo waaweyn gaadhin marka laga reebo Abushe oo foodda wajiga ka gubtay.

Abushe oo ay ka muuqdaan nabarradii dabka ee wajiga

Dabkaasi wuxuu baabi’iyey hoygii ay degganaayeen qoysku, nasiib wanaagse, Abushe waxa uu awood u yeeshay inuu badbaadsado waxyaabo qaali ku ahaa. Kubbad midabkeedu casaan yahay ayaa dunida oo dhan uga dhigan Abushe, riyadiisuna waa inuu maalin uun noqdo ciyaartoy caan ah oo ka mid ah xiddigaha caalamka.

Kooxda uu jecel yahay waa Barcelona. Taageeradeeda ayaa madax martay, waxaana uu daawadaa ciyaaraheeda mar kasta oo uu awood u yeesho, waxaanu xiiseeyaa Lionel Messi. Abushe waxa uu u sheegay Lafforgue, “Messi waa aniga oo kale. Dadka kale lama mid aha!”

Nolosha Abushe ma fududa – Waxa dacaayadeeya oo ka xaraabaysta dadka diinta; waxay ugu yeedhaan magacyo ay ka mid yihiin “Indho balaastiigle” iyo “sixirroole.” Mararka qaarkoodna waxbay ku dhuftaan, waanay dhirbaaxaan. Laakiin isagu ma ogolaado in waxyaabahaasi ay hoos u dhigaan, waxaanu soo bandhigayaa hibadiisa iyo xirfadda kubadda cagta ee ku jirta. Wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro Barcelona, samir ayaanu u leeyahay ciyaaraha, waxaanu ku hamiyayaa inuu maalin uun caawin doono qoyskiisa.

October 2016, Mike oo reer Cape Town ah, waxna ka qora socdaallada iyo dalxiisyada, sidoo kalena ah sawir qaade, ayaa 13 maalmood oo uu ku qaatay Kingsley Holgate iyadoo way ehelinayaan kooxdiisa socdaaleyaasha ah, waxay la kulmeen Abushe, waxaana soo jiitay indhihiisa buluugga ee qosolku la socdo, waxaanu ka diyaariyey warbixin uu ku qoray bartiisa (blog) internetka.

Mike waxa uu qoraalkiisa ku yidhi: “Waxa uu lahaa indho buluug ah oo aanan waligay hore u arag intii aan noolaa! Waxay u ekaayeen laba adduunyo (muuqaalka khariidadda dunida) oo yaryar oo uu wehelinayo weji saaxiibtinimo.”

Mike wuu la sheekaystay, waxaanu ka qaaday sawirro wiilka. Ka hor intii aanay kala tegin, Mike wuxuu weydiiyey turjumaanadiisa inay wiilka xasuusiyaan: “U Sheega Abushe in wax kasta oo laga sheego indhihiisa amaba ku saabsan in aanu caadi ahayn, in mar walba uu xasuusnaado in xaqiiqadu tahay inuu yahay mid gaar ah oo indhihiisuna hadiyad yihiin.”

Wiilka indhaha buluugga ah leh intaa laguma illoobin. Lafforgue ayaa bartiisa bulshada ee Instagram ku baahiyey sawirka Abushe February 15, 2019, waxaanu ku dul qoray: “Qofna dareen ma siiyo Abushe, laakiin haddii aad aragto indhihiisa oo leh midab aan caadi ahayn oo sida birlabta ah, waxaad joojinaysaan socodkiina.”

Sawirkaas ayay dad badan ka falceliyeen, waxaana calaamadda (Like) ee ka helitaanka tilmaamaysa saaray 6,000 qof, waxaana uu qabshaday in badan oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada.

Xigasho: Waxa Warbixintan Turjumay: Warbaahinta Jigjigaonline.com