Af-kala-qaad: (Gabay + Sooyaal Maragfur Ah): Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo duray aabbihii oo geeriyooday 2005!

Filed under: Aragtida Bulshada |

Intiinnii “Cimradu waa Cibaado Alle lahaydeey” bal fasira caasinnimadan ugubka ah: Daawo ama akhriso kala-badh bogga kowaad, waad fahmi dulucda IA.

Dad badan ayaa doona inay wanaag iigu asteeyaan ama qof xalay-dhalay ah iiga dhigaan Engineer Faysal Cali-Waraabe. Nin qaran oo wanaagsan ayaa xilliyo kala duwan laga dhigaa. Dee haa, waa marka awrka lagu kacsanayo. Anigu maalmihii ay qolada mucaaridka ahi la jireen ee ay lahaayeen “ waa geesi” isla markaana uu Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki ku sheegay “polical prsotitute”, waxa aan raacsanaa Balaaki oo aan lahaa “Wuu cibaadaystay. Ilaahay ajar iyo xasanaad ha ka siiyo”. Inay iska hubsadaan baan jeclaa. “Hoggaamiyaha ruuxiga ah, aayatullaha Somaliland, aabbaha tanaasulka, siyaasiga qaran-jiraha ah” weedho noocaas ah oo lagu maaweeliyo Faysal Cali Xuseen ayaa jira. Ma odhanayo 100% waa qof xun ama wanaagsan, bal se waxa aan iga daaddegin in uu aabbihii duro!

Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “nin aad taqaan, ayaad tahay lama yidhaahdo”. Qiimaynta shakhsiyadda Guddoomiyaha UCID waxa inoogu filan sidii uu Aabbihii Caaqil Cali Xuseen Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo’e, uu ugu sheegay in uu ahaa nin la adgeesado, isaga oo markaas ahaa nin da’ ah. Marxuunku waxa uu geeriyooday 2005ta, wiilkiisii ayaa iilka kaga daba tegay 14 gu’ kaddib oo 2019ka naxli ku afuufaya. Ninkaas waalidkii oo aan noolayn buuriga ka tufaya ayay qaar dhibsanayaan weedhiisa iyo wejiyo-badnaantiisa.

Faysal Cali Waraabe waxa uu yidhi “Aabbahay baan ka diiday markay isticmaalayeen ee ay lahaayeen waa odayga ugu weyn (Garaxajis)” adeer aabbahaa oo dhintay ha caayin. Nin weyn, caaqil ah, talada gooya oo hoggaamiye ah buu ahaa. Yaa adeegsanayay? Aragti uu wax ku diido waxna ku doono ayuu lahaa.

Marxuun Caaqil Cali Xuseen (Cali-Waraabe) inta aan qof ahaantayda nolol ku soo gaadhay way kooban tahay, ma arkin, lama sheekaysan, mana hor joogsan, haddana warkiisu ima seeggana. Waxa aan se hayaa dhacdooyin dhawr ah oo uu ka warramay Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ay ahaayeen ilmaadeer iyo saaxiib wada shaqeeyay muddo dheer. Caaqil Cali Xuseen wuxuu ka mid ahaa waxgaradkii Soomaaliyeed ee 1946kii ka qayb galay shirkii wada-tashiga aayaha Soomaalida ee Ingiriisku ku qabtay Hara-digeed 1946kii, waxa ku kulmay Soomaalida ku kala nool Soomaaliya, Somaliland, NFD iyo DDSI. Ma sii gelayo faahfaahintiisa.

Cali-Waraabe waxa uu ka mid ahaa raggii ku baaqi jiray in wax la baro ubadka xilligii uu Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye diiday in jaaamacad Ingiriisku ka dhiso Somaliland, isla markaana uu ku baaqay in ubadka laga saaro dugsiyada. Ololahaas ka dhanka ah Suldaanka waxa Caaqil Cali Xuseen, Xaaji Cabdi iyo cuqaal kale ka soo gaadhay waxyeello aan badnayn.

Marka laga yimaaddo labadaas dhacdo, waxa aan ku xoojinayaa toosintii uu Caaqil Cali Xuseen (Cali-Waraabe) ka geystay talo-bixin ay reer Hargeysa ka dhiibanayeen ninka loo doorayo/xulayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya, xilligii uu Madaxweynaha ahaa Marxuun Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde)…. Waa tan:

Markii uu geeriyooday Janankii ciidamada Soomaaliya ee Janan Daa’uud ayaa waxa kaalintiisii u tartamay Maxamed Liqliqato iyo Maxamed Siyaad Barre. Aadan-Cadde oo markaas ahaa madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala doorashada labadaas nin kala tashaday wax-garadkii Hargeysa, kuwaas oo shir wada-tashi kugalay aqalka badhasaabka. Markii la waraystay badhasaabkii iyo dadkii aqoonta u lahaa labada nin oo uu ka mid yahay Koofiyad-cadde, ayaa waxa la sheegay in uu Maxamed-Liqliqato aqoon badan leeyahay, Maxamed Siyaadna uu yahay geesi ku-dhac leh.

Dadkii Hargeysina waxa ay isku raaceen in ay doortaan Maxamed Siyaad, waxaana la isku dardaaray in taarar loo diro Muqdisho. Taararkaas waxa kala diray Culimo-aw-diinkii Ansaaru-Diinka, Dhallinyarada, Ganacsatada oo uu madax u ahaa Xaaji Ismaaciil Yoonis (Xaaji Gaydh) iyo madax-dhaqameedka oo uu hormood u ahaa Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ayna doorteen Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye iyo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, sidaas ayaanay reer Hargeysi Aadan-Cadde ugula taliyeen in uu jananka ciidamada u magacaabo Maxamed Siyaad Barre.

Markii waraaqda la qoray ayuu Caaqil Cali Xuseen “Cali-waraabe”, oo shirka ka daahay dadkii weydiiyay magaca waraaqda lagu qoray, waxaana loo sheegay in lagu qoray Maxamed. Kaddib waxa uu Cali-Waraabe yidhi “Waar labada ninba Maxamed ayaa la yidhaahdaa ee Af-weyne ku qora”. Xaaji Cabdi waxa uu ku noqday inankii waraaqda garaacayay, waxaanu ku yidhi “waxaad ku qortaa Maxamed Siyaad Barre (Af-weyne)”. Sidaas ayaana dhambaalkii lagu diray xilkiina loogu magacaabay Maxamed Siyaad. Ma halyeyga sidaas wax u toosinaya ayuu wiilkiisii Faysal durayaa? Ma halkii uu kaga faani lahaa ayuu fidno-wade ka dhigayaa? Weedhaasi Allaan idinku dhaarshaye, ma wax meesha qabtaa?

Nin ka yaabban in uu Faysal Cali Xuseen aabbihii duro, oo ku halqabsanaya Xasan Cabdiqaaddir Yuusuf ( Hassan Garnayl) ayaa tiriyay gabaygan magaciisu yahay af-kala-qaad!

Waxa uu yidhi:
Tiraabaha ordaayiyo markaad, meelo badan eegto
Garnaylow asluubtii bulshadu, saaka waa ebere
Isaga oo adduun iyo ka raba, awlal lagu sooro
Maan arag insaan aabbihii, eedo guud sudha’e
Iniinyahaba geed baa dhaloo, laga abqaalaaye
Isirkiisa muu weerareen, aadmi suubbaniye
Inkaarqabuhu waa waalidkii, ruuxa eersada’e

Adduunyada hadduu Cali Xuseen, eegga nala joogo
Anfariir daraaddii dhacdada, lama ilmeeyeene
Mar haddiiba iilkiyo la dhigay, ciidda ubucdeeda
Alle-bari ducaa buu hubaal, kaa istaahilaye
Adigoon quraankiyo akhriyin, aayadaha diinta
Ama aawadii gool u qalin, awrna uga dhiijin
Af-legaaddo aad sii tidhaa, uma ekoonaynne

Ma af Faysal Cali leeyahaa, “oohow” lagu joojin
Miyuu hadal “ax” kuu odhanayaa, wayska oriyaaye
Ma aroor kastaba weedh xunbaa, ayda miranaysa
Aadmigu markuu waayo jiro, wuu arrimiyaaye
Ma awow waxaad garanaysaan, ubadka aan dhaamin
Nin ogaal yar waxa caawin kara, aammus sharaf weyne
Uurkaaga waxa yaal khalqigu, kuma ogaadeene
Ma ilaaqda laga maadsadaa, aayo wacan reebta

Odayada xogtoodiyo haddaan, ereyo faalleeyo
Usha iyo wixii agab ah baa, lagu adeegaaye
Ilihii Fardawsee nimcadu, taallay abidkeedba
Caliyow intii aadda buu, Eebbe kaa dhigiye
Inankaagi waa laga fajacay, waanu oriyaaye
Urugiyo ladh buu hadalka xumi, nagu abuuraaye
Abur beelo gaadhiyo kol uu, ooryo nagu caayo
Ugdoon buu u haystaa sidii, xaajo iin badane
Uma-aabba-yeelee naxluu, nagu afuufaaye

UCID-dhadhiye weedhuu ku yidhi, waa af-kala-qalaade
Aqoonlaawe nimankii yaqiin, kuma asteeyeene
Daauud ayaantuu dhintee, ciidda lagu aasay
Wuxuu Aadan talo soo warsaday, uumiyii Herere
Arbe Gaydha Aar Xaaji-baa, dood agaasimaye
Laba Maxamed amintii waxgarad, kala astaynaayay
Waatay ishaareen dhankii, Ina Siyaadkiiye

Waxse jiray amuur ay dhammaan, wada ilduufeene
Adowgaa markuu yimi kobtii, eelki wuu tiraye
Wuxuu yidhi “ismiga waa mid qudha, eegga laba ruuxe
Bal si loo aqoonsado midkaan, ubaxa saaraynno
Afweynena miyaad raacisaan, waa odhaah gara’e”

Idilkood markii buu xasuus, duulki oogsade
Indheer-garadki Cali bay judhii, wada adeeceene
Inankii qoraayaa la yidhi, “yaan illaw dhicine
Naanays ishaaro ah ku kaab, oodnay taladiiye”

Axdi ma lihid been-sheegahaan, oofin wacadkiiye
Wax la yidhi atoor baa mar jiray, aarka weerara’e
Adigoon wuxuu hawl alkumay, aabbo garanaynnin
Ambad weeye maytida inaad, adhaxda goysaaye
“Istaaqfurllah” baa ku ekayd, aadu baad tahaye

Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

You must be logged in to post a comment Login