Isma Eegto’e Ways Cajebisaa (Abdi-Shotaly)

Tallo xumo taran ma leh, waa murti ay ku dheehan tahay xikmad iyo micnayaal badani,
siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, waxan-se imika ka qaadan doonaa, ta ka hadlaysa ruux taladda xun in aan wax laga dheefin burbur mooyee, wax yaabo badana ku haleeyo is-waal iyo farsamo daro, nacayb, iyo isaga oo aan aqoon u lahayn, waxa uu faraha la galay, sidda askarigan saalax-wareersan, dhan uuu ujeedo iyo dhan uu ka jeedo mina aan la garanayn, is dhex-qaaday siddii caano aysiidh lagu dary. markii la yidhi ka daana is dhega maray, dabeed-na ku banjaray siddii gaadhi xamuul ah buurta sheekh badhtan-keedda ku xumaaday. markii ay ku haboo-nayd, uu haystay fursada-na ay balaayo u hilaacday. laakiin-se si kastaba ha ahaatee, ay dhaaftay mudaddii uu wax ka taransan lahaa, ka dib-na qoomameeyey jaaniskii ka khasaaray, foodana la galay dhibtii uu kaga gudbi lahaa, haddii uu sida ugu wacan markii ay joogtay wadadeeda u mari lahaa, digadda kulul ee uu cagaha la galayna aanay timaadeen maanta, ee sidii uu rabay bay u kala socon lahayd, mase dhicin ee labadda gacmoodba buu laba-dible iskaga xidhay qab, lugaha-na qoofal laba qafile ah iyo xadhig-maran isku murugsan, oo aan kala lahayn af iyo dabo-toonaia iskaga gooyey, baa isaga laf-tiisii isku yuururiyey. Cali Sugule (IHN) baa Yidhi, “Tallo askari ka guur mooyee ku guur ma laha , tii baana taagan saaka.

Waraabaa laga hayaa, ma raydabta baan ahayn kuwii aan doonaaya, mise anaa is-waydaarsan, oo arin iga dhabaqsan yahay, dabeed isaga oo isku meerays-naaya, waa ka sakal cadaw u galay, oo meela aanu uga bixi karayn, cid wali-bana ay leedahay ma kii baa dabin idiin galay. oo aan naxariis iyo wax ka fura mid-na aanu filayn, tallo ku ceer-yoontay, oo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, uu ogaaday in aanu rajo lahayn una dhamaatay, dabeed faal ula kala baxay,rog-rogay, dhul-kana intii cidiyihii ku jeex-jeexay, jaaniggii kale-na dhafoorka saaray, baadhaayana bal in uu saacadda dib u celin karo, oo uu socdaal hor leh soo bilaabo. Sidoo kale Askartii imikay khali duurayaa, siddii baabuur uu isteerinkii ka xumaaday, oo kolba dhinac ugala baxaya wadadda, kuna hagaajin kari la’yihiin, kala soo dhacay figtii ugu sareysay Buurtii daallo ugu dheerayd ee Surad, oo ay gunta rafanayaan, tallo dhaanta tii jarka ka soo laalaadisay ma hayo. Nasiib daro-se waxa ku soo booday ” Faalkii ” mid aan rajo lahayn, oo la yidhaaho “is maqiiq”, micni-hiisuna yahay ” wax-ba kuuma laab-na, oo waad xajiimaysan-tahaye, ood iyo Mus walba jiidh, bal in aad meel ku ceshata ku beeganto maruun, ilayn muu filayn in uu ilmada wadhayo’e. Muwaadin waxan meesha ka shurbay-nayaa, ee maamul xaafadeed ahi, waxay ka mid yihiin gabadhii ka yidhi ” Karis xun iyana wax ku la’ ” sidaas awgeed tanina, isma eegto’e ways orisaa, Somaliland-ba sidaas bay ku hoblantay, kuna bas-beeshay.

Akhristaw hadaa dhiigii kacay, tallo faraha-ka-haaday oo ” Dhaqaaq-joogsiga ummaddii ka yaabtay”. in gaari ahina kay ogaayeen bay weli sacabka u garaacayaan. markaa wixii ku dhacaba iyaka baa ka mansuul ah, tobankii farood oo aan gacan ku oolinina, ay labadda garabaha ka laalaadaan. Waxana ka dhigay sidaas, tallo ay xaafad keli ahi isku koobtay, mid ku raacsan oo hunguri iyo xil u dhul galay. Waa taa deldelan hadda intii u hadhayna, uu u sii dhameeyey kan mareexaan, ee xamar badhi-saabka ka ahi, markii uu askarigu faruur-yaha ku Jaray Faash, iyadda nooloo oo si quman u taagan, waa sidda ay Somaliland ka sameeyeen askarta la kala yidhaaho ” Raggii Ma Adigaa Ka hadhay iyo geenyo shaaxi-maniye”, oo geeri-go’an ku furay ama kaga daadiyey rarkii, inoo kaday cid walba, markii uu reero inoo kala jebiyey, ee gobol-ba uu gees u faquuqay, bay isu ciidamin kari la’dahay, oo aan halwa-naynaa cirka iyo dhulka meel u dhaxaysa, waa nasiib darro iyo waxa aan marna-ba lagu fekerin, in maanta, uu maamulka majeerteen, ee la baxay Puntland, uu inoo soo bu’o, oo dhul dhan qaato.

* N.B Askari Dheef Mooyee, Wax Dhugo Laguma karo.

Qore:- ABDI-Shotaly.

ashotaly5@gmail.com