Maxaad Ka Taqaanaa Hanti Dhawre Cali Bilyan, Taariikhdiisa Iyo Qaabka Uu Wax U Baadho + Sirta Ka Dhexaysa Axmed Dirir. Q: 4-Aad.

Waxaan aad u jeclaystay inaan bulshadda la wadaaago maqaalo taxane ah oo aan isleeyahay ku lafo gur, islamarkaana bulshada fahamsii shaqsi si layaableh intii ay Somaliland jirtay uga dhex shaqaysanayay Hay’adda Hanti dhawrka qaranka Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), kana mid ah shaqsiyaadka bahdilay ee madaxdii kala dambaysa ee Hay’addaasi soo maray ee baray laaluushka, waxa uu aad u yaqaanaa oo uu bartay qaabka loo Cabsi-maalo madaxda dawladda iyo sida Madaxda kolba ugu timaada Hay’addaasi sida loo hanto, isagoo ku xididaystay Hay’addaasi islamarkaana waxaan tusaalayaal u soo qaadan doonaa baadhis layaableh oo uu sameeyay, qaar uu ku fashilmay iyo qaar illaa maxkamad lala tagay oo uu ku ceeboobay, waxa kale oo aad ku arki doontaan taxanahan Hay’addo gaar ah oo uu Mushaharooyin ka qaato oo uu maalo, iyo sida uu u fashiliyo shaqada hanti dhawrka ee uu isku soo oodo.
Taariikhdiisa.
Cali Sheekh Maxamed Axmed(Cali Bilyan) waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka HARGEYSA, Gaar ahaan waxa ay hayb wadaag yihiin oo ay isku beel kasoo wada jeedaan Madaxweynaha Hadda Talada Dalka haya, waxa ay walaalo yihiin Haweenayda iyadduna intii ay Somaliland jirtay haysata Xafiiska Maamulka iyo Lacagta Golaha Guurtida oo aanay waligood hanti dhawrku galin, lana baadhin. Waxa uu Shaqadda Hanti dhawrka bilaabay bilawgii Aasaaskii Hay’addii markii la unkay, isagoo xilal kala duwan oo agaasime Waaxeed kasoo qabtay, balse waxa uu yahay masuulka keli ah ee fahmay islamarkaana ku mabay shaqadan isagoo caan ku ah Cabsi ku maalka Hay’addaha Qaranka, heshiis la galida Madaxda kolba meesha hanti dhawrku galo haysata, iyo inuu si hoose lacago laaluush ah uga soo qaado. Waxa kale oo uu qaabilsan yahay inuu ceebeeyo kolba Hay’adda ay baadhaan ee laaluush bixin wayda isagoo Buuggaa foljari ah jeebka ku qaata islamarkaana ku dhex daadiya Kolba halka ay baadhaan ee laaluush ogolaan wayda si uu u ceebeeyo, waana arimaha la ogaaday ee uu ku ceeboobay.
Akhri Layaabka Dhacdadan: Sanadkii 2012-kii, waxa dhacday in hanti dhawrka qaranku galay, islamarkaana uu baadhis ka bilaabay Kastamyadda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Waxa Kooxdii Baadhistaasi waday madax u ahaa Cali Sheekh Maxamed Axmed (Cali Bilyan), waxa waktigaasi Hanti dhawrka Haystay Maxamuud Dheere oo aan shaqadda inta badan ku fiicnayn una daba fadhiisan jiray Masuuliyiin uu Cali Bilyan ka mid ahaa, taasi oo sahashay in maamul Xumo iyo hawlgab dhinaca Shaqada ahi ku dhacdo Xafiiska Hanti dhawrka. Waxa dhacday Wakhtigaasi in Baadhistaasi oo ay sameeyeen Koox uu Cali Bilyan Hogaaminayay in Cali Bilyan Qaar ka mid ah Shaqaalaha Kastamka Kalabaydh u qaabiyo buugggaag (GR) fool jari ah oo baalmarsan nidaamkii Wasaaradda Maaliyadda kuwaasi oo lacag loogu ururin jiray Hanti dhawrka.
Waxa arintii soo helay Xafiiska baadhista Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda oo uu wakhtigaasi madax ka ahaa nin layidhaa Khadar Indho Leeb, waxa arintii loo xidh xidhay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii uu Cali Bilyan hawsha gaar ka ah u igmaday, waxa la isla galay Maxkamadda waxaanu kiiskaasi Muddo ka socday Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Arimaha layaabka leh waxa ka mid ah in Cali Bilyan iyo Hanti Dhawrihii Guud Maxamuud Dheere ay Maxkamadda ka difaacayeen Shaqaalihii Buugta (GR) Fooljariga lagu soo qabtay, waxaana halkaasi ku kala cadaatay halka ay buugtaasi ka yimaadeen iyo inuu Cali Bilyan hawsha si gaar ah u fuliyay oo ay mid tahay shaqooyinka uu ka faa’iiday ee uu lacagta ka helo. Waxaanay tani ka mid taha shaqo maalmeed Cali Bilyan ee bahdilay islamarkaana sharafta ka qaaday Hay’adda Hanti dhawrka,waana caado illaa maanta uu ku dhaqmo oo lagu bartay.
Waaxda Baadhista Wasaaradda Maaliyadda ee loo yaqaan (Internal Audit) oo uu Khadar Indho Leeb madax ka ahaa ayaa baadis xeel dheer ku samaysay Buugtii Fooljariga ahayd ee uu Cali Bilyan sheegay inuu Xafiisyadda lacagta ee Kastamyadda uu dhex dhigtay waxaana aakhirkii dhacday in la ogaaday in la buugaag badan oo kale la dhigtay kastamada kale ee wadan kuwaasi oo lacag lagu urursanayay islamarkaana uu ka dambeeyay Cali Bilyan. Waxaa la ogaaday shaqaale Cali Bilyan hawshaasi u fududeeyay oo shirqoolkaasi kula jiray, waxaana la isla galay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaanay arintaasi ku cadaatay Cali Bilyan inuu falkaasi isagu gacantiisa ku sameeyay oo uu fuliyay. Waxa ay ka mid ahayd dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee hanti dhawrka shaqadiisa curyaamiyay ee keenay inay muddo dheer u dhutiyaan hanti dhawrku fool xumadaasi uu ninkaasi gayaysiiyay. Waxa uu goobaha uu baadhayo ka samaystaa shaqaale arintaasi la fududeeya kuwaasi uu wax kasiiyo laaluushka uu qaato.
Qaybtii: 4-Aad.
Lasoco Qaybaha Dambe:
Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London