Jimicsigu maaha wax marka la xanuusado uun loo baahdo,

Jimicsigu maaha wax marka la xanuusado uun loo baahdo,balse uu yahay mid ay tahay inuu qof kasta Rag iyo dumarba loo baahan yahay in joogto u sameeyo, sababahan caafimaad awgood.

Hadii qofku uu jimicsan waayo oo uu adeegsan waayo dhammaan muruqyada jidka wuu luminayaa muruqyadaas, waxaanay noqonayaan kuwo daciif ah oo aan wax awood ah lahayn, taasi oo sare u qaadi karta xadiga dhaawac soo gaadha.

Hadii qofku ku guuldaraysto inuu sameeyo jimicsi joogto ah wadnahiisu wuxuu noqonayaa mid hawl gudashadiisu hoosayso, taasi oo sababi karta inay cuduro heleen. Sidoo kale kala-goysyada jidhka ayaa iyaguna jimicsi la’aan noqdo hawl gab, taasi oo qofka u horseedi karta dhaawac soo gaadha, sidaa waxa qaba dhakhaariirta caafimaadka.

Geesta kale faa’iidooyinka jimicsiga dad badan ayaa u haysta inay ku kooban tahay jidhka loo la dhiso ama la qurxiyo, rag iyo dumar-ba, balse aynnu jaleecno faa’iidooyinka caafimaad ahaan jimicsugu leeyahay.

Jimicsi joogto ahi wuxuu kaa caawin karaa inaad ka hor-tagto dhaawacyo ku soo gaadha maskax ahaan iyo jidh ahaanba, ama xaalado caafimaad darro oo ku soo wajaha kuwaas oo ay ka mid yihiin dhiikarka, kansarka, subagowga jidhka, wadne xanuunka, faalijska macaanka iyo qaar kale, Susana waxa qaba banda caafimaadka oo sanno badan oo ay daraasaynayeen ma dib shakiyey.

Jimicsugu wuxuu sare u qaadaa codka, waxaannu furfuraa jidhka, sidoo kalena wuxuu qofka ka dhigaa mid adag. Jimicsigu wuxuu hoos u dhigaa culayska qofka, waxaannu door muhiim ah ka qaataa xaqiijinta miisaan jidheed oo caafimaad leh.

Jimicsugu wuxuu sare u qaadaa tayada nololeed, sidoo kalena wuxuu hoos u dhigaa isku-buuqa maskaxeed (Stress), waxa kale oo uu sare u qaadaa dhaqanka qofka ee hurdada, waxaannu horumariyaa xaalada maskaxeed ee qofka (Mood), wuxuu qofka u fududeeyo inuu si caafimaad leh wax u cuno.

Tallooyinkan waxaan ka soo xigtay qoraalo ay diyaariyeen Dhakaatiir, waxaannay ugu dambayn ku talinayaan in qof waliba uu si maalinle ah uu u jimicsado ugu yaraan sodon daqiiqo, wakhtigiisa ugu jaro wakhti gaar ah oo uu jimicsado, rag iyo dumarba, waxaan shaki ku jirin in qofka marka uu taa sameeyo uu isagu ogaan doono xadiga isbadalka ku yimid naftiisa iyo noloshiisaba.

Allaahu Aclam.

W/Q: Saddam Mohamed.