Xavi oo tababare noqday

Laacibki hore ee khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka Spain Xavi Hernandez ayaa maanta loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Al Sadd ee dalka Qatar.

Xavi, oo ah 39 jir ayaa u saftay kooxda Barcelona ilaa iyo 767 kulan halka uu xulka Spain u ciyaaray 133 kulan oo caalami ah, ka hor inta aanu u dhaqaaqin dalka Qatar sannadki 2015-ki, halkaas oo uu kusoo gaba gabeeyay waayihiisa ciyaareed.

Hadda wuxuu Xavi baddalayaa macalinka u dhashay dalka Portugal Jesualdo Ferreira, kaaso ka tagay Al Sadd marki uu xilli ciyaareedkan u qaaday horyaalkoodi 14-aad ee dalkaasi Qatar.