Tababare Gattuso oo ka tagay AC Milan

Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay Salaasadii maanta, in uu shaqada ka tagay macallin Gennaro Gattuso, kaddib 18 bilood oo uu kooxda leylinayay.

Gattuso iyo Milan ayaa ku kala tagay heshiis labada dhinac ay wada gaadheen, taasoo macnaheedu tahay in qandaraaski uu kooxda kula joogay oo ay hadda ka hadheen laba sano la baabi’yay.

Gennaro oo ka mid ah halyeeyadii kubadda cagta ee soo maray Milan, ayaa ku guuldarreystay xilli ciyaareedka horyaalka Talyaaniga ee todobaadki hore dhamaaday, inuu gaadhsiiyo kooxda kaalinta afraad.

Waxay Milan horyaalka Talyaaniga ee sannadkaan ku dhameysteen booska shanaad, taasoo keentay inuu shaqadiisa ku waayo.

Dhanka kalana, waxaa isna maanta shaqada ka tagay Agaasimihii Dhinaca Isboortiga ee kooxda AC Milan Leonardo, kadib marki uu isna ku guuldarreystay inuu Milan gaadhsiiyo kaalinta afraad.