Barcelona oo lagaga guulaystay Copa del Rey

Soccer Football - Copa del Rey - Final - FC Barcelona v Valencia - Estadio Benito Villamarin, Seville, Spain - May 25, 2019 Valencia players celebrate winning the Copa del Rey final with trophy REUTERS/Jon Nazca

Kevin Gameiro iyo Rodrigo goolal ay dhaliyeen ayaa horseeday in si geesinnimo leh Valencia ugu garaacdo, isla mar ahaantaana ugaga guuleysato naadiga Barcelona koobka Copa del Rey ee dalka Spain.

Barcelona ayaa la filayey inay ku guulaysan doonto koobkan, si ay uga soo kabato guuldarradii xanuunka badnayd ee ay liverpool kaga reebtay koobka Hoyaallada Yurub ee Champions League.

Kooxda Valencia ayaa labadeeda gool la timid nususaacii ugu horeeyey ee ciyaarta, bal se Lionel Messi ayaa daqiiqaddii 73-aad waxa uu Barcelona siiyey gool yididiilo geliyey. Balse, ciyaarta oo siddeed daqiiqo ka dhiman tahay ayaa khalad fool xun oo uu sameeyey difaaca Barcelona ee Clement Lenglet ayaa waxa uu Valencia u sahli karayey inay dhaliso goolka saddexaad ee u quus goyn lahaa kooxda Barcelona.

Kooxdan ka dhisan gobolka Catalonia oo haystay rikoodh ah inay 30 jeer ku guulaysatay koobkan ayaa waxaa dhaawac kaga maqnaa ciyaarhannadeeda afka hore ee Luis Suarez iyo Ousmane Dembele, balse waxaa la filayey in joogitaanka Messi u soo hoyn doona koobkaasi, maadama hore u sheegay in koobkaasi yahay kay iskaga maydhi lahaayeen guuldarradii lama filaanka ahayd ee Liverpool.

Valencia ayaa se sidaas u soo gebagebaysay rejadii Barcelona ee ahayd inay ku guulaysato labada koob ee ugu mudan dalkaasi.