TACSI MADAXWEYNE:

TACSI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cismaan Cawad Maxamuud (Badha-badha) oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu tahay 26/05/2019, magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay halgankii xornimada ee wakhtigii gumeystihii ingiriiska, isagoo ka mid ahaa xisbigii SNL, markii danbena ku biiray xisbigii SDU, sannadihii sideetamaadkiina waxa uu ka mid noqday golaha deegaanka Burco, isagoo door aan la ilaawi karin kulahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa ganacsatadii bud-dhiga u ahaa dalka gaar ahaan gobolka togdheer.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo culimada waxgaradka, waayeelka, ganacsatada, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.