Iska Hor-imaad Dhimasho Sababay oo Muqdisho ku dhex-maray Booliska iyo Koox Budhcad ah

TALIYE KU-XIGEENKA LABAAD EE BOOLISKA SOOMAALIYA ZAKIYA XUSEEN AXMED
TALIYE KU-XIGEENKA LABAAD EE BOOLISKA SOOMAALIYA ZAKIYA XUSEEN AXMED
Muqdisho(aftahannews):- Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyooday sarkaal boolis ahna wuu dhaawacmay, kaddib markii booliska iyo koox burcad ah uu isku horimaad ku dhexmaray rugta khudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan.
TALIYE KU-XIGEENKA LABAAD EE BOOLISKA SOOMAALIYA ZAKIYA XUSEEN AXMED
TALIYE KU-XIGEENKA LABAAD EE BOOLISKA SOOMAALIYA ZAKIYA XUSEEN AXMED
Taliye ku-xigeenka booliska, Jen. Sakiya Xuseen Axmed  oo iska horimaadka ka warbixisay waxaa ay sheegtay inuu u dhaxeeyay koox burcad ah oo dad shacabka dhac u geysanayay iyo ciidanka booliska.
Waxay Taliye Sakiya oo ka hadlaysaa, tidhi; “Ciidanka booliska ayaa caawa howlgal ka fuliyay rugta khudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan kaddib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayay.”
“Mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka kalena uu fakaday.  Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka booliska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah.” ayay tidhi Jen. Sakiya Xuseen Axmed .
Waxaa ay inta ku dartay in ciidanka booliska ay sidoo kale gacan ku soo dhigeen askari boolis ah oo shalay dad shacab ah ku dhaawacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Aftahannews.com
Muqdisho/Somalia.