Isbadal ku yimid qorshihii ay Fifa ku kordhin lahayd kooxaha ka qayb galaya Koobka Adduunka ee 2020

Hay’adda maamusha ciyaaraha kubadda cagta adduunka ee Fifa ayaa meesha ka saartay qorshe ay ku kordhin lahayd kooxaha ka qayb galaya Koobka Adduunka ee 2020 oo Qadar ay martigalinayso,

Qorshahaas ayaa 32 xul ee hadda ciyaara ka dhigi lahaa 48 dal.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Fifa ayaa lagu sheegay in aanu jirin wakhti ku filan oo lagu sameeyo isbadalladii la rabay in la hirgaliyo, taas oo keeni lahay in Qadar ay dalal kale oo gobolka ah la qaybsato masuuliyadda martigalinta koobka Adduunka.

Koobka xiga ee 2026 oo ay si wada jir ah u martigalinayaan Maraykanka, Canada iyo Mexico ayaa lagu billaabi doonaa qorshaha ballaadhinta ee 48 xul.