Madaxweynaha kooxda Kubadda cagta ee PSG oo maxkamadeyn wajahaya

Ilo wareedyo laga helay waaxda caddaaladda dalka Faransiiska ayaa sheegaya in madaxweynaha naadiga kubadda cagta ee PSGlagu soo oogay eedo la xidhidha musqus maasuq, oo ah habka loo maamulay tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka.

Nasser Al-Khelaifi oo sidoo kale ah gudoomiyaha Qatari media groupayaa baadhitaano lagu sameynayay tan iyo bishii March waxaana lala xidhidhayaydalabka guushii qadar ee sanadkaniyo iksu daygii fashilamayee ciyaarihii 2017-kii.

Tallaabadan oo uu qaaday garsoore baadhitaan waday ayaa ka dhigan in Nasser al-Khelaifi uu hadda si rasmi ah u yahay qof la tuhunsan yahay oo diiradda lagu saarayo baadhitaan ballaadhan oo faransiisku uu ku hayo shabakad lagu eedeeyay musuqmaasuq mar dhibaato galiyay ciyaaraha fudud ee adduunka.

Baadhitaankan dadka lagu sameynayo waxaa udub dhexaad u ah Lamine Diack oo ah madixii hore ee ururka ciyaaraha fudud ee caalamiga ah ee IAF.

Mr al–Khelaifi ayaa lala xidhiidhiyay inuu labo jeer lacag ka qaatay maalgashadeyaal u dhashay dalka Qadar.

Isku darka lacagtaas ayaa la sheegay inuu ahaa nus malyan doolar, wuxuuna sanadkii 2011-kii ku sameystay shirkad uu maamulkeeda u dhiibay wiil uu dhalay Mr Diack.

Garsooreyaasha baadhitaanka ku guda jira ayaa Mr Diack qudhiisa ku eedeeyay inuu dalka Qadar ugu eexday isku daygii guul darreystay ee horyaalnimada ciyaaraha fudud 2 sano ka hor, isagoo eexdaasna ugu sameynayay si uu laaluush uga qaato.

Hase yeeshee, isaga iyo wiilkiisuba waxay beeniyeen inay wax khalad ah sameeyeen.