Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo Baaq loogu direy Puntland, Arrimo kalena lagaga hadlay

Hargeysa (Aftahannews)- Shirkii golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland oo qabsoomay Khamiistii maanta, ayaa lagaga hadlay arrimo la xidhiidha dhibaatooyinka gaadiidka, xalka loo hayo, nabadgelyada iyo muhiimaddeeda, waxaana baaq loogu diray Maamul-goboleedka Puntland.

War-saxaafadeed qoraal ah oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagaga hadlay qodobbada ugu muhiimsanaa ee shirka maanta lagaga hadlay, waxaana nuqul ka mid ah War-saxaafadeedkaas oo soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, u dhignaa sidatan:-

“Kal-fadhigii 35-aad ee golakhamha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka.

Waxaanu wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka golaha u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka. Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda.

Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday.

Ugu danbayn xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland.

Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aanay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland, waxaay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada.” sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay ee lagaga hadlay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.