Hal qof oo lagu dilay deegaanka Ceel-afweyn iyo Siyaasi Mustafe Shiine oo ka hadley

London (Aftahannews)– Hal qof ,ayaa lagu dilay deegaanka Ceel-af weyn oo hoos yimaada ee gobolka Sanaag, taas oo keentay inay dadkii deegaanku ka naxeen maadaama oo muddo dhow uun la dhameeyey dilal beeleed ka dhici jirey deegaankaasi.

Tan iyo intii ay culimadda Somaliland soo afjareen colaadii labada beelood ee deegaanka Ceel Afweyn ka jirtay muddo laga joogo shan bilood waana dilkii kowaad ee beelahan dhexdoodda ka dhacda.

Sidoo kale, Xukumada Somaliland ayaa iyadu ka hadashay maanta dilkaasi ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn, iyadoona Xukuumadu sheegtay in si deg deg ah ay gacanta ugu soo dhigi doonto gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

Dhinaca kale, Siyaasi Mustafe Shiine oo hore u ahaa Guddoomiyhii gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo maroodi jeex, ayaa isna si adag uga Hadley dilkaasi ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn.

Ex, guddoomiye Mustafe Shiine ayaa sidoo kale ka soo horjeestay talaabadii ay Xukuumadu hore bandooga ugu soo rogtay deegaanadaasi.

Mustafe Shiine oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingriiska oo qoraal koobaan oo uu arintaasi kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga oo ay soo xigatay Warbaahinta Aftahannews ayaa u dhignaa sidan:-

“Yaa yidhi daalim raba in uu qof dilo ayaa xukun degdeg ahi wax ka taraayaa.

Marka aad dood jaban qiil u raadinayso waa halkeedii,hase yeeshee sida ku cad dasruurkeena waxa xukunka degdega ah la soo rogi karaa marka ay timaado masiibo caam ah, sida dagaalo ama mid dabiiciya,haday tahay daadaad, dabaylo iyo dhulgariir, taasi oo loola jeedo inay dawladu kula wareegto nidaamkii rayidka ahaa oo xataa ay yeelanayso xukuumaddu in ay hantida shacabka ay la wareegi karayso si ay arrintaa xal ugu hesho oo ay wax uga qabato.

Haddaba marka taa la eego inta nololi jirto dilku wuu jirayaa,haba u kala batee deegaamada Somaliland oo barigu ha noqdo halka ay damiir laawayaasha wax dilaa ku badan yihiinee.

Sanaag oo kiliya maaha dhulka ay dilalka badani ku soo noqnoqdeen intii ay Somaliland jirtay, marna xal looguma raadin xukun degdeg ah.

Sidaa daraadeed waa qiil jaban in ninkii lagu dilay Ceelafweyn uu xukun degdeg ahi wax ka qaban karaayay”.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland