Qaramada Midoobay oo Madaxweyne Biixi ku Hambalyeysey siiddaynta Maxaabiista Puntland, Soomaaliya iyo Somaliland-na wadahadal ugu Baaqay

GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO KA HADLAY ARRIMAHA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND 2019
GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO KA HADLAY ARRIMAHA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND 2019

Hargeysa (Atahannews)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah inay wadashaqeyn dhaw yeeshaan, waxaanay hambalyeeyeen Madaxweynaha Somaliiland Muuse Biixi Cabdi oo ay ku ammaaneen cafiskii uu u fidiyey Maxaabiista Puntland laga hayey, waxaanay ku baaqeen inay sii socdaan wadahadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO KA HADLAY ARRIMAHA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND 2019
GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO KA HADLAY ARRIMAHA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Arrimahaasi, ayaa waxaa lagu sheegay kulan gaar ahaa oo goluhu uu kaga hadlayay dhacdooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay muddadii u dhaxaysay 14-Diseembar 2018 ilaa 4-tii bishan May 2019.

Raisedon Zenenga oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa golaha ammaanka u sheegay in howlgalka UNSOM uu sannadkan ugu billowday dhibaatooyin dhanka amniga ah oo ay kamid yihiin weerarkii lagu qaaday Xalane iyo qalalaasaha siyaasadeed ee horseeday in dowladda Soomaaliya ay dalkeeda ka eridday wakiilkii xog-hayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Waxaa uu sheegay inay sameeyeen dadaallo siyaasadeed oo dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waxaa loo soo jeediyay dowladda Soomaaliya inay ku tallaabsato qodobadan soo socda.

Sirddoonka;

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ka codsaday beesha caalamka in dowladda Soomaaliya ay taageero dheeraad ah ka siiyaan xoojinta arrimaha amniga iyo dib u dhiska ciidammada. Yao Shaojun ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya loo fidiyo taageero dhinaca sirddoonka ah.

“Ammaanka Soomaaliya waxaa uu muhiim u yahay dalalka Geeska Afrika, xoojinta xasiloonida iyo amniga dalka waxay dan ugu jirtaa dalalka Gobolka iyo guud ahaan beesha caalamka” ayuu yiri safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey, Yao Shaojun xilli uu la hadlayay golaha ammaanka.

Wadashaqeynta;

Ku-xigeenka xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa kula taliyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan xiriirkooda isla markaasa ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha dalka.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay waajib tahay sare u qaadidda wadashaqeynta dowladda dhexe iyo maamullada si loo xalliyo caqabado badan oo ku hor gudban in heshiis ay gaaran. Waxaa baarlamaanka loogu baaqay inay dardar geliyaan dhaqangelinta shuruucda dalka.

Abaaraha;

Xaaladda Saylac abaarta kadib

Waxaa lasoo jeediyay in la iska kaashado taakuleynta iyo taageerada loo fidinayo shacabka ay abaaraha saameeyeen. Ku-xigeenka madaxa arrimaha bani’aadanimada iyo gargaarka Qaramada Midoobey, Ursula Mueller, ayaa sheegtay in 4.2 milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar banii’aadanimo, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha iyo macluusha.

Soomaaliya iyo Somaliland;

Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa sheegay in wadahadalladii la isku mari waayay ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ay saameyn ku yeesheen dib u eegistii lagu sameyn lahaa dhameystirka dastuurka.

Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay hadalkii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu ka yiri xuska 18-ka May ee ahaa inay ka go’aantahay in Puntland ay kala shaqeeyaan arrimaha amniga, waxaana kamid ah sii deynta maxaabiista iyo in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan arrimaha amniga, gancsiga iyo waxbarashada.

Xigasho BBCSomali.com.