Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo Xukuuumadda Somaliland oo la Kulmay Guddoomiyaha Xisbi Soomaaliya ka dhisan

KULANKA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR IYO MADAULXDA XISBIYADA UCID KULMIYE IYO XUKUUMADDA BIIXI 2019 NAIROBI
KULANKA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR IYO MADAULXDA XISBIYADA UCID KULMIYE IYO XUKUUMADDA BIIXI 2019 NAIROBI
Nairobi (Aftahannews)-  Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo Xukuumadda Somaliland oo Wasiirka arrimaha gudhu ka mid yahay, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenyaa kula kulmay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wada-jir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee Soomaaliya ka dhisan.
KULANKA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR IYO MADAULXDA XISBIYADA UCID KULMIYE IYO XUKUUMADDA BIIXI 2019 NAIROBI
KULANka Cabdiraxmaan Cabdishakuur & MADAULXDA XISBIYADA UCID KULMIYE & Xukuumadda Biixi 2019 NAIROBI
Xubnaha kala soo muuqday sawirka Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe.
Ma jirto faahfaahin laga helay kulanka iyo waxyaabaha lagaga wada-hadlay, balse warbaahinta Soomaalida, ayaa ku warrantay in kulanka la iska xogwareystay xaaladda Somaliland iyo Soomaaliya.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur  oo aad u dhalliila maamulka Madaxweyne Farmaajo, ayaa mas’uuliyiinta ka socda Somaliland ee uu la kulmay waxaa ay u joogaan Kenya martiqaad ay ka heleen xukuumadda Kenya.
Inta badan Madaxda Xisbiyada UCID iyo Kulmiye oo sannadahadan dambe bahwadaag ahaa iyo Xukuumadda Somaliland oo illaa heer Madaxweyne ah, ayaa si joogto ah Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Madaxdiisa ugu eedeeya inuu u janjeedho siyaasadda Soomaaliweyn.
Eedayntaas oo ahayd borobagaanto Xisbil-xaakimka Kulmiye abuuray wakhtigii lagu jiray ololihii doorashada madaxtooyada ee Muuse Biixi oo ahaa Musharrixii Kulmiye ka tartamayey Madaxweynaha Somaliland ku noqday, balse, taa beddelkeeda waxa muuqata inay iyagu hadda wixii ay Waddani ku eedeynayeen iyagu muujisteen.
Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo weftigan Nairobi ku sugan xubin ka ah, ayaa xagaagii sannadkii 2018-kii magaalada Brusseles ee dalka Belgium kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Masuuliyiin dowladdiisa ka tirsan oo halkaa Shir Beesha caalamku ugu qabatay Soomaaliya kaga qaybgalay, markaas oo uu warbaahinta ka sheegay inuu kala hadlay danaha Somaliland.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland