Unug ka tirsan Booliska Maraykanka oo gabi ahaantood ka kooban rag Soomaali ah

Minnesota (Aftahannews) –  Unug ka tirsan bilayska Tareenada ee dalka Maraykanka ayaa taariikh sameeyey ka dib markii dhamaan saraakiisha unugaasi ka kooban ay yihiin rag Somali-American ah.

“Waxaanu ka jawaabnaa wicitaanka telefoonada, waxa kale oo aanu adeegyo lagu daryeelayo dadka aanu qabanaa maalin kasta oo aan maalin wala sameyno, taasina aniga waxay ii ahayd khibrad cajiib ah,” ayuu yidhi Cabdisasiis Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan Bileyska Metro Transit.

Waxaanu Maxamed ahaa sarkaal tan bileyskan tan iyo sannadkii 2018. Waxaanu Magaalada Minnesota uu u guuray markii uu siddeed jir ahaa.

Saraakiisha 120-ka ah ee ka shaqeeya Metro Transit, toddoba ka mid ah oo uu ku jiro Maxamed ayaa ah Soomaali-Mareykan.

“Dhamaanayo halkan ayaanu wada fadhinay, waxaanay ahayd isku imaansha halkani mid aan qorshaysnayn inaanu isku soo beegano,”ayuu intaasi raaciyey Maxamed.

Jaylani Xuseen oo ka tirsan Golaha Xidhiidhka Muslimiinta Mareykanka (CAIR) ayaa sheegay, iyada oo la tixgelinayo dadweynaha Soomaaliyeed ee balaadhan, waxa muhiimadda weyn ah in isbedel buuxa oo ka dhexeeya saraakiisha Soomaalida iyo Mareykanka ay gacan ka geystaan ​​burburinta caqabadaha dhexyaala.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland