Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay gantaal Xuutiyiintu la beegsadeen Makkah

Muqdisho (Aftahannews) – Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Cambaareyasay Gantaal kooxda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wada Yemen ay ku tuureen Magaalada MAKKAH.

War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Maanta soo saartay ayaa lagu sheegay inay dambi tahay in gantaal lala beegsado Magaalada MAKKAH.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal-dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda..”

Dawladda Soomaaliya ma xusin Magaca Kooxda Xuutiyiinta ee Weerarka qaaday, laakiin Telefiishan ku hadla Afka Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxdu Gantaallo la beegsatay Magaalooyinka Makkah iyo Daa’if.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland