Eritrea oo u dabaal degaysa 28 guurada ka soo wareegtay maalinta madaxbanaanidooda

Asmara (Aftahnnews) – Munaasibadi loogu dabaal degayo Maalinta Madaxbanaanida dalka Eritrea oo ku beegan 24-ka May ayaa dabaal degyo balaadhan laga dhigi doonaa dalka Eritrea iyo meelo badan oo caalamka ah.

Dabaaldeganmaalinta Madaxbanaanida dalka Eritrea ayaa noqonaysa sanad guuradii 28th ee ka soo wareegtay maalintii ay Madaxbanaanida dalkaasi.

Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Meskel ayaa sheegay in todobaado ay ka socon doonaan dalka Eritrea munaasibadaha lagu xusayo maalinta madaxbanaanida dalkooda, iyagoo ay jidadka dalka Eritrea ay mari doonaan dad tiro badan, ciidamo iyo xataa Geel lagu soo xardhay calanka dalkaasi.

Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu sheegay in muwaadiniin ku labisan midabacada calanka dalkaasi ay mari doonaan jidadka caasimada Asmara.

Dalka Eritrea ayaa waxa gumaystay laba dal oo Yurub ah Talyaaniga ayaa dalka Eritrea gumaystay (1889 – 1941) halka dalka England (1941 – 1952), waxaana dalka INgiriisku uu ka tagay markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday in gobolka Ertritrea ay ka madaxbanaan tahay dalka Ethiopia sanadkii 1952-kii.

Hase yeeshee 1991-kii ayaa dagaal xornimo oo dadku ay galeen waxa ay xornimadooda kala soo noqdeen dalka Ethiopia oo ay ka go’een.

Hase yeeshee sanadkii 1993-kii ayaa Afti madaxbanaanida dalka Eritrea oo la qaaday oo ay Qaramada Midoobay lug ku lahayd uu dalka Eritrea ay ku heshay in si caalami ah loogu aqoonsado dal Madaxbanaan.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland