Faysal Cali Waraabe oo Ciro ku eedeyay inuu beesha caalamka kula taliyey in aanay lacag ku bixin Doorashada Somaliland

Nairobi (Aftahannews)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Wefti ka socda Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo Socdaal ku tagay Nairobi, ayaa ka warramay Ujeeddada socdaalkooda.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in ujeeddada socaalka Madaxda Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay tahay inay Dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka war ka siiyaan halka uu marayo Waan-waantii Xalka lagaga gaadhayey khilaafaadka Doorashada iyo Komiishanka “Waxaanu u nimid inaanu waddamada naga taageera Doorashooyinka ayaanu uga soo warramaynay horumarka aanu ka gaadhnay Wada-hadalladii Axsaabta iyo Arrintii Komiishanka..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu eedaymo u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo uu sheegay inuu Beesha Caalamka siiyey War aan sax ahayn “Waxa halkan (Nairobi) hore u yimid Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha WADDANI) oo wararka aanu hellay sheegeen inuu War xun siiyey Dadka oo uu Dadka dalka ka bajiyey, waxaanuna u sheegaynaa in aanay Somaliland ka jirin xumaan ah iyo Qabaa’il is dilayaa iyo hadduu Cabdiraxmaan-Cirro uu shaqsi ahaan yidhaahdo yaan doorashada la gelin in Dadku diyaar u yahay inay doorashada galaan, markaa Cabdiraxmaan ayaanu tusaynay in xalka Somaliland aanu oolin Nairobi ee uu Somaliland dhexdeeda yaallo..”

Guddoomiyaha UCID oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda OVA-da wuxuu dhiggiisa WADDANI ku eedeeyay inuu Beesha caalamka kula taliyey in aanay wax lacag ah ku bixin doorashada Somaliland.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.