Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo Sameeyey Casuumad Qofka ka qayb-gelaa Bixinayo Lacag dhan $173,000

ABIY AHMED OO SAMEEYEY CASUUMAD QOFKA KA QAYBGALAA LACAG BADAN BIXINAYO 2019
ABIY AHMED OO SAMEEYEY CASUUMAD QOFKA KA QAYBGALAA LACAG BADAN BIXINAYO 2019

Addis Ababa (aftahannews):- Maal-qabeenno Itoobiyaan ah ayaa bixiyey 173,000 oo dollar midkiiba, si ay uga qeyb galeen casho uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo lacag loogu ururinayey qurxinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

ABIY AHMED OO SAMEEYEY CASUUMAD QOFKA KA QAYBGALAA LACAG BADAN BIXINAYO 2019
ABIY AHMED OO SAMEEYEY CASUUMAD QOFKA KA QAYBGALAA LACAG BADAN BIXINAYO 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warbaahinta dowladda ku xiran ee FANA, ayaa daabacday sawirrada dadka cashada ka qeyb-galay oo xiran suudad, islamarkaana fadhiya kuraas lagu deday ubaxyo. “Halkii kursi ee cashada waxaa lagu qiimeeyey 5 milyan oo birr” ayey tiri warbiixnta Fana. 5 milyan oo birr waxay u dhigantaa ku dhowaad 173,000 oo dollar.

Xafladda ayaa waxaa loo qabtay in lacag loogu ururiyo mashruuc saddex sano soconaya oo uu wado Abiy, kaasi oo sare loogu qaadayo sumcadda caasimadda.

Mashruuca oo lagu badinayo goobaha doogga leh ee caasimadda, ayaa waxaa masaafe dhan 56 km oo isku wareeg ah looga hir-gelinaya, geedo, beero, darjiinooyin, marinno ay maraan baaskiilada iyo goob lagu socdo oo ku xirmaya webiyada magaalada.
Mashruuca ayaa ku kacaya hal bilyan dollar.

Reysal-wasaaraha ayaa sanadka horaantiisii qabtay munaasibad noocan ah oo qofkiiba laga qaadayey 70,000 Dollar, lacagtaasoo la sheegay in lagu maalgelinayo horumarinta Waddooyinka.

Illaa iyo hadda lama yaqaan oo si rasmi ah looma shaacin tirada rasmiga ah ee dadka amma ganacsatada ka qeyb-galay cashada iyo cidda ay ahaayeen iyo xaddiga kharashka ka soo xarooday toona.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.