Cabdiqaadir Jirde oo Fashiliyey War qaldan oo Madaxweyne Biixi Siiyey Beesha Caalamka iyo Safarka Nairobi ee UCID iyo Kulmiye

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa warbixin khaldan oo aan xaqiiqo ahay u gudbiyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo dhawaanahan Hargeysa joogay, isagoo u sheegay in laga heshiiyey khilaafka saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamanka ee ay gobollada, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ah Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Waddani.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, waxa uu ka digay dhaqdhaqaaqyo ay Xisbiyada Kulmiye iyo UCID wadaan oo ay doonayaan inay labadoodu ku galaan doorashada, isla markaana waxay hoggaanka labadaas Xisbi xubno ka tirsani Nairobi ku joogaan, doonayaanna inay qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland doorashada ka taageera qiil uga raadiyaan taageerada doorasho labadooda xisbi oo keliyi galaan, taas oo uu Jirde ku tilmaamay mid aan suuragal noqon Karin.

“Safiirkii Ingiriiskee noo yimi war been ah baa la siiyey oo waxa lagu yidhi saamiqaybgisii waa laga heshiiyey, dadkii diiddanaa saami-qaybsiga inay ku galaan, waxay naga oggolaadeen sidii hore in doorashada lagu galo. Miyaad maqasheen shir la isugu yimi oo odayaal loo yeedhay, amma gobol-gobol loola shiray oo saami-qaybsiga lagaga shiray miyaad maqasheen dalkaa joogteene? Waa war been ah, waa waxyaabaha dadka iska hor-keena.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlay shir jaraa’id oo uu maanta Hargeysa ku qabtay, waxaanannu warkiisa oo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.