Khudbaddii Madaxweyne Biixi ee 18 May Nuglaanshiiyaa ka muuqday

Madaxweyne Biixi, Guddoomye Cirro iyo Guddoomiye Faysal
Madaxweyne Biixi, Guddoomye Cirro iyo Guddoomiye Faysal

Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa faqidaad ku sameeyay khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay Munaasibada 18 May. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan.

Madaxweyne Biixi, Guddoomye Cirro iyo Guddoomiye Faysal
Madaxweyne Biixi, Guddoomye Cirro iyo Guddoomiye Faysal

8-Sanno Axmed Siilaanyo oo aha Guddoomiyhii KULMIYE Madaxweyne Daahir Rayaale Munaasibad 18 May kalama qayb galin, Madaxweyne Muuse Biixi 2-sanno ayuu Hoggaamiyihii Mucaaridku aanu agtiisa fadhiisan qayladaas deg dega ah lama filayn…

Xuska 18 May oo mucdiisi maanta Hargaysa laga xusay nabad ayay ku soo dhammatay Alxamdulillaah. Aniga iyo Muwaadin kastaaba halku joogay ayuu ku xusay… Waxaan midh ka odhanayaa khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee Maanta 18 May uu jeediyay..

1 .. Madaxweyne Biixi muddada Xilka uu hayay oo hadda baarka la gashay sannad iyo sideed bilood, wuxuu ku qiray khudbadiisi kana horena Waddanka intuu Xilka hayay uga muuqatay in dhaqaale la’aani Xukuumadiisa ay hayso, isagoo sababta ugu wayn ee taasi ku timina ku sheegay dhoofkii Xoolaha Nool oo is taagay, in kasta oo Xukumadihii ka horeeyayba aanu Dhoofka Xooluhu socon. Muddada labada sanno ku dhaw waxqabad muuqda oo KOW iyo LABA la yidhaahdo oo u qabsoomay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa ma soo bandhigin Madaxweynahu, marka laga reebo, Goobo Caafimaad oo hore u jiray oo la rinjiyeeyay, mashruuca shaqo Qaran oo aan wali midha dhalkiisa bulshadu dareemin waxna aan ka badalin busaaradii iyo shaqo la aantii Dhalinyaradda haysay.

2… Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi khudbadiisu waxay u muqanaysay sidii marar hore dhacay qorshe la’aan aanu qorshe u dajisan ka lahayn arrimaha maarayntoodu isaga iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo ay u taalo. “Haddii aynu ganacsatadeena iyo dhammaanteen aynu isu tagno, hadaynu Dawladaha wax maal gashada u yeedhano, dhammaanteen hadaynu isugu tagno “ Weedhahaasi waxay kamid ahayeen halqabsigii Madaxweynaha iyadoo hoggaamiye ahaan ay ka mudnayeen waxaas waanu ka qabanay waxaana noo qorshaysan taas iyo taas aragtidaas hoggaamineed kama muuqan..

3. Gebo gebadii Arrimaha Doorashooyinka iyo Xisbiyada.

Madaxweynaha waxa ka muuqatay nuglaansho badan oo xagga Mucaaridka ah gaar ahaan Xisbiga WADDANI oo uu jidh dubaaxshi ka muujiyay. In kasta oo madaxda Xisbiga WADDANI munasibadii 18-ka May si culus uga qayb galeen haddana wuxuu tabaayay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxman Cirro. Xiligii Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha aha oo lagu tilmaamo xilligii Mucaaridada ugu adagi Somaliland soo martay, ma jirin munaasibas qudha oo Guddoomiyihii KULMIYE Axmed Siilaanyo kala qayb galay Madaxweyne Rayaale … Isaga iskadaayo xitaa sarakiisha Xisbiga KULMIYE kama qayb gali jirin.. Kaaga darane Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu hasta hadda Xisbigii UCID oo muxaafid max-lal ah, walow aanu Xisbi ahaan u jirin hadana magac ahaan u jira, wakhtigaas Daahir Rayaale Kaahin UCID oo sidan ka xooganayd xitaa ma wada haysan waayo Cabdiraxmaan Cirro oo Golaha Wakiilada Gudoonshe ka aha wuxuu la hayay Dhanka Isbadal doonkii Mucaaridkii wakhtigaas halka Faysal Cali Waraabe inta badan u wehel yeeli jiray Madaxweyne Daahir Rayaale , hadana marka la eego doorashooyinkii uu galay iyo siduu KULMIYE ugu babac dhigay iyo cabanaanta Muuse Biixi ee maantu waa kaaf iyo kala dheeri.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kama hadal Heshiiskii Khaatumo ee Proff Cali Khaliif Galaydh iyo Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo galeen, halku ku danbeeyay iyo wuxuu ku diidanyahay, kama hadal saami xumada Xukuumadiisa iyo in aanay bulshada dhex u ahayn oo aan ummadda Somaliland iska dhex wada arkin, iyadoo Madaxweynihii, Taliyayaashii Ciidamadda Qalabka sida, Maxkamadii Sare, Maaliyadii iyo dhammaan ilihii dhaqaalaha ee Dalka Beesha Madaxweynuhu sadbursiimo u heshay, kama hadal caqabada ugu wayn ee Doorashooyinka la sugaayo hortaagan oo ah saami qaybsigii Gobolada oo isaga laga sugaayo, kamuu hadal halkuu ku danbeeyay Xukunkii Deg Dega aha ee Gobolka Sanaag, kama hadal Xabisaada Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool iyo Dastuurka u fasaxay inuu Wali Xabsiga ka hayo, kama hadal qaybsanaanta Bulshada uu hoggaamiyo haysa iyo xalka uu amuurtaas gamuurantay u hayo..

Tusan ..

Muniir Axmed Cigaal..