Boorama: Sida looga oogay Xuska 18-ka May iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo Khudbad Dareen leh ka jeediyey

Boorama (aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal kala qaybgalay Xuska 28-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May oo maanta dalka laga oogay.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay inay Somaliland tahay Qaran la wada leeyahay maanta, inkastoo halgankii dib-u-xoraynta lagu kala aragti duwanaa, cid ka leh Reer Awdal Somalilandna aanay jirin, cidda aragtidaas qabtaana tahay cid wax qaldaysa.

Waxa sidoo kale, iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey Masuuliyiinta dowladda heer degmo iyo gobol iyo Masuuliyiin ka socoday Xisbiyada Siyaasadda. Waxaanannu warbixinta warkaas iyo hadallada Madaxda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland