Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyey Maxaabiistii Dagaallo kala duwan lagaga qabtay Puntland

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa sheegay inuu cafiyey oo la sii daynayo Maxaabiista dagaalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland lagu soo qabtay ee ku xidhnaa Xabsiyada Jamhuuriyadda, isaga oo muujinaya sida ay Dowladdiisa uga go’antay inay nabadgelyo kula noolaato dalalka Jaarka ah.

Madaxweyne Biixi oo caawa khudbad kooban ka jeediyey Kulan Casho-sharaf ah uu Caawa Madaxtooyada ugu sameeyey Madaxda Qaranka iyo Wufuudda caalamka ka socday ee Somaliland kala soo qaybgalay Xuska 28-guurada gooni-isu-taagga iyo la soo noqoshada Madax-bannaanideeda ee 18-ka May oo maanta dalka looga dabbaal-degay.

Haddaba, hadalka uu Xafladdaa caawa ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland oo uu Wufuuddaa iyo Ciddii diyaarinta Xuska 18-ka May wadday iyo Shacabka Somaliland ee maalinta qarannimadooda oogayba u mahad-celiyey, cafiska Maxaabiista Puntland laga hayey uu u fidiyeyna kaga dhawaaqay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.