Laascaanood Sidee looga Xusay 28-guurada Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May?

Laascaanood(aftahannews):- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ka mid ahayd magaalooyinka sida diirran looga xusay 28-guurada ka soo wareegtay maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo maanta laga dabbaal-degay Somaliland, waxaana shacabka Reer Sool kala qaybgalay xuska Wasiirro, Masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan Madaxda iyo Maamulka heer gobol iyo degmo.

Madaxda Shacabka Laascaanood kala qaybgalay xuska, ayaa Khudbado ay jeediyeen kaga warramay maalintan iyo sida ay Somaliland ugu wayn tahay iyo sida loogu baahan yahay in Bulshada Somaliland gacmaha isugu qabsadaan ilaalinta Qarannimada, Nabadgelyada iyo Midnimada iyo wax wada qabsiga Shacabka.

Warka ku saabsan Xuska 28-guurada 18-ka May ee sida looga xusay Laascaanood, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.