Wasiirka Diinta oo Soo dhaweeyey Arday Reer Somaliland ah oo Tartan Caalami ah ku soo guulaystay

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Masuuliyiin kale, ayaa garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa maanta ku soo dhaweeyey Arday ku soo guulo fiican ka soo hooyey Tartankii Ramadaanta ee Qur’aanka kariimka ah ee dalka Jabuuti oo ay 30 waddan Arday ka socoto oo Xaafidul Qur’aan ahi ka qaybgaleen.

Bashiir yare oo ku guulaystay kaalinta koowaad ee 10-ka Jis, ayaa soo qaatay jaa’isadda koowaad ee tobanka Jis, waxaanu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Masuuliyiin kale oo Wasaaraddaas ka tirsani hambalyo iyo duco isugu dareen Bashiir-yare.

Muuqaalkan Hoose ka daawo Warbixinta Warkaas iyo Hadalka Masuuliyiinta:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.