Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo la Kulmay Safiirka Dowladda Britain ee Soomaaliya

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE SOMALILAND IYO WEFTIGA SAFIIRKA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA OO KULMAY 2019
GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE SOMALILAND IYO WEFTIGA SAFIIRKA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA OO KULMAY 2019

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomyaha Maxkqmada sare ee Somaliland Prof: Aadan Xaaji Cali, ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Britain u qaabbilsan Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay xoojinta Hay’adaha Garsoorka Somaliland.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE SOMALILAND IYO WEFTIGA SAFIIRKA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA OO KULMAY 2019
GUDDOOMIYAHA Maxkamadda sare ee Somaliland & weftiga Safiirka Ingiriiska ee Somalia oo kulmay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, waxa uu aftahannews la wadaagay waxay ka wadahadleen safiirka iyo weftigiisa, isagoo sheegay inay ka wadahadleen qodobbo muhiim ah.

Aadan Xaaji Cali oo sharraxayaa waxa uu yidhi; “Waxa aanu ka wada hadalay. 1. Sii xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Hay’addaha Garsoorka iyo UK. 2. Sii wadida iyo kordhinta taageerada ay u fidayaan Hay’addaha Garsoorka, Xabsiyada, cadaalada iyo Xuquuqal iinsaanka ee dalka.”

Waxa uu Guddoomiye Aadan Xaaji Cali intaas ku ladhay; “3. In xooga la saaro xaga taageerada Gobolada fogfog gaar ahaan xaga infrastructure ka sida dhismayaasha iyo qalabka. Safiirku waxa uu sheegay in aad iyo ugu faraxsanyahay dib- u habaynta baaxada leh ee ka hirgashay Hay’addaha Garsoorka dalka siina xoojin doonaan wada taageerada ay u fidiyaan.”

Dowladda Britain, ayaa ka mid ah dowladaha sida dhaw u taageera Somaliland, isla markaana Hay’adaha Garsoorka kala shaqeeya kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada Shuruucda, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.