“Saluug weyn baa laga qabaa siduu Madaxweyne Biixi wax u wado..” Faysal Cali Waraabe

Filed under: Wararka |
Hargeysa (Aftahannews)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu xildhibaan Dhakool uu dambi weyn ka gallay qaranka, isla markaana ay tahay in sharciga la mariyo.

Gudoomiye Faysal waxa uu sheegay in saluug weyn laga qabo sida uu wax u maamulayo madaxweyne Biixi, isagoo usoo jeediyey inuu tanaasul iyo wadatashi ku hogaamiyo dalka.

“Xildhibaan Dhakool dambi weyn buu galay, dambiga isaga laga gallay waxa ka weyn ka uu dastuurka ka gallay, hadii aan la qaban dadka dili lahaa, ma tagi karo laascaanood oo walaalkii baa lagu dilay aano uu isagu sameeyey awgeed, laakin waxaanu leenahay nidaamka ha loo maro” ayuu yidhi Faysal oo ka hadlayey xadhiga xildhibaan Dhakool.

Sidoo kale, waxa uu dhaliilay sida uu wax u maamulayo madaxweyne Biixi, waxaanu usoo jeediyey inuu wadatashi iyo tanaasul ku hogaamiyo dalka.

“Saluug weyn baa laga qabaa madaxweyne Biixi siduu wax u wado, ha la kala saaro saluuga laga qabo Muuse Biixi iyo qaran dumisnimada, adoo ujeeda Muuse inaad qaranka dumiso maaha, Muuse waxaan leeyahay waxay Somaliland ku soo jirtay oo ay ku soo caano maashay tallo midaysan, is dhagaysi Iyo isku tanaasul, lagaa yeeli maayo taydu ha socoto.”

Ugu dambeyn waxa uu shacabka u hambalyeeyey munaasibadda 18 May oo maalinta Barri ee sabtida ah loo dabaaldegayo.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login