Jabuuti oo sameysay wixii ay Soomaaliya uga digtay

Addis Ababa (Aftahannews) – Dowladaha Jabuuti, Itoobiya , Suudaanta Koonfureed iyo Uganda ayaa ku heshiiyay in ay dhistaan khad isku xidha caasimadohooda, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiya.

Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayay dhinacyada ku saxeexdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hore u sheegay in Soomaaaliya ay ka digtoonaato isbedelka gobolka ee Itoobiya ay hor keceyso.

Wareysi lala yeeshay ayuu ku sheegay: “Anagu jawigaa nabadeed diyaar baan u nahay, annaguna waxaan nidhi horta bal arrinkayaga aanu dhameysano, waa dhowdahay, waana sugeynaa. Taasna kama dhigno in aan ka xunnahay ama aan ka horjeedo. Laakiin waxa weeyeen, salad walba xilligeedaa la tukadaa”.

Mar uu arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay wuxuu yidhi: “Heshiis anagu aan ognahay oo dhaqaalaha badalaya ama si kale u rogaya oo anagu aan ognahay majiro”.

Qaar ka mid ah madaxda dalalka IGAD

Madaxweynaha Jabuuti ayaa loo arkayay inuu ka caga jiidayay isbedelka ka socday Geeska Afrika, laakiin wuxuu ku adkeysanayay in iskaashiga dhaqaalaha uu sidiisii yahay. Hadase waxa ay u egtahay in iskaashigii uu Geelle uga digayay Soomaaliya uu galayo mid la mid ah.

Shirka labada maalmood socday wuxuu ahaa mid lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta khadka. Dhinacyada ay khuseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya ayna qeyb ka ahayn.

Dowladda Jabuuti ayaa hore u muuqatay in ay ka cagajiideysay isbedelka uu horkacayo ra’iisal wasaaraha Itoobiye Abiy Axmed, laakiin dhanka mashaariicda horumarinta, waxay u muuqataa in xukuumadda madaxweyne Gelleh in ay ka faa’ideysanayso.

Khadka isku xidhaya Kampala-Jabuuti waa midka afaraad ee la qorsheeyay inuu fududeeyo isku xidha dalalka IGAD.

Baadhitaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono khadka isku xirka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca.

 

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.