Ka Faa’idaysta Bisha Ramadaan

CABDINAASIR XASAN MACALLIN
CABDINAASIR XASAN MACALLIN

Ilaah isaga ayaa weynee soonka ha inaga aqbalo,danbigeenana ha dhaafo,alle wuxuu ku tilmaamay ramadaanta maalmo yar,malmahaasi waxay ku dhamaan doonaan sagaal iyo labaatan cisho ilaa sodon cisho,qofka faa’idayna waa qofka waqtigaa dahabiga ah ku camirtay cibaado ,allena ma dayaco qofka wanaag sameeya,waynu u jeednaa siduu waqtigu u dheeraynaayo oo malinba maalin inoogu dhiibayso.

Xasanulbasri wuxuu yidhi”Bani aadanow waxaad gabigaaguba tahay ayaamo isu tegay haddii malin tago badh kaa mid ah ayaa tegay”markaa waqtigan socdaa waa cimrigeenii.

Haddaba sidaynu uga faa’idaysanaa waqtigan qiimaha leh, waxaynu uga faa’idaysan sidan soo socota alle ha idin sharfee

1.Soonka Bisha Ramadaan,

waxaa la gudboon qofkasta inuu sooma bishan waana waajib Alle ina faray intii Alle ka soo reebay mooyee.

Alle wuxuu yidhi”Duulkii Alle rumeeyow waxaa laydinku waajibiyey soonka sida loogu waajibiyey duulkii idinka horeeyey, waxaad muddantihiin inaad taqwo heshaan”.

Markaa si aynu uga faa’idaysano bishan aynu soonka bishan ilaashano,wixii laqwi iyo maalayacni ahna aynu ka dheeraano
soonkuna waa cibaadada kaliya ee uu ilaahay isu tiiriyey wuxuu yidhi”Camalkasta addoomuhu iyagaa iska leh soonka mooyee,Soonka anaa iska leh anaana ka abaalmarin doona adoomahayga”.

camalkasta ilaahay isagaa ka abaalmarindoona adoomaha laakin sharaf iyo wanaag ayey inoo tahay in alle yidhi soonka anaa iska leh waayo cunistii iyo cabintaankiiba ilaahay dartii ayeynu uga tagnay.

Waxaana soonku daawo ka yahay xanuuno tiro badan,sida macaanka,dhiig karka iyo wadna xanuunka.

Gabadhii reer Canada ee Jaayin waxay tidhi”Muddo badan Ayaan dhiig kar ka cabanaayey daawo kasta waan cunay wuuna soo degi waayey dhigii kadib ayaa saaxibaday u muslimadi I tidhi”Soon,haddaad soonto dhiigu wuu soo degiyee” markiibaan sidii sameyey ,dhiigii waa soo degay si tartiib tartiib ah,kadib sidii Ayaan u soomijiray,ilaa aan badhitaan sameeyey oo aan ogaaday in soonku waxbadan ka daawo yahay”.

Alle wuxuu yidhi”Inaad soontaan ayaa idiin khayr badan”.

Aan soonka ku dadaalno if iyo aakhiroba qiime iyo qadarin ayeynu yeelanaynaaye.

  1. AKhrinta Quraanka,

Ilaah wuxuu yidhi”Bisha ramadaan waa bishii quraanka la soo dejiyey”,Markaa waxaa muddan in quraan akhriska la badiyo.

Suhari wuxuu yidhi”Haddii Ramadaan soo galo waxkale maahe waa Quraan akhris iyo in dadka la sooro”.Waxaa la sheegaa in imaamu shaafici u quraanka dhamayn jiray lixdan jeer bisha ramadaan,

adigu walaal imisa jeer ayaad dhamaysaa quraanka?mise maba kala furtid bisha ramadaanta ee waxaad ku lumisaa waqtigaaga lahwi iyo wax aan faa’ido kuu lahayn if iyo aakhiro? Walaalayaal aan badino akhriska quraanka alle ha ina sharfee.

Hannuun dhamaantii quraanka ayuu ku jiraa,waayo qalbiga ayuu quraanku qaboojiyaa,naxliga iyo qudhunkana wuu ka maydhaa,qalbiga quraan lagawaayeyna waxkasta oo qudhuna ayaa galaya.

Ilaahay wuxuu yidhi”Quraankani wuxuu dadka ku hanuuninayaa jidka ugu toosnida badan”.

  1. Bixinta sadaqada,

bishani waa bishii Alle ina dareensiinaayey siday u gaajoodaan dadka baahani,si markaynu u dareeno ugu naxariisano masaakiinta.waxaa inala gudboon inaynu caawino dadka aan waxba haysan.

Rasuulku wuxuu ahaa kan dadka ug deeqsisan,laakin bisha ramadaan aad ayuu u sii deeqsi ahaa,markastana wuxuu hayo ayuu masaakiinta ugu deeqi jiray. Aan ku dayano nebigiina SCW oo aynu quudino dadka baahan. Qofka qof sooman afuriyaan ajar ayuu leeyahay ilaahna wuu u danbi dhaafaa.

  1. Ooginta salaatu laylka,

waxaynu ku camiranaynaa bishan khayrka badan,inaynu oogno salaatu laylka nebiguna SCW wuxuu yidhi”Tukada xiliga dadku hurdaan,Jannada ilaahay ayaad nabad ku galaysaane”.

Nebigu wuxuu yidhi”Qofka ramadaanta isu taaga isagoo alle rumaysan ajarna ka dalbaayaa,danbigiisii hore ayaa loo dhaafaa”.Intaas waynu gafaynaaye aan salaatu laylka tukano si danbigeena loo dhaafo.

  1. Ducada,

ducada waa inaynu badinnaa bishan ramadaan innago Alle raxmadiisa iyo dhaafitaankiisa ba rajaynayna,qofka sooman ducadiisa lama celiyo markaa waa Janis dahabiya,qofkasta hawl ayaa cuslaysay markaa adoo sooman Alle bari wuu kaa faydi dhibka ku haystee.

Ilaah wuxuu yidhi”Hadday addoomahaygu ikaa waydiyaan, u sheeg inaan u dhowahay,oo aan aqbalaayo ducadooda”.ilaahbaa inoo diyaar ah walaalayaal ee aan ducada badsano.

Dadka marka la tuugo way cadhoodaan laakin Ilaahay haddii la baryi waayo wuu cadhoodaa,markaa aan jaaniskaa ka faa’idaysono walaalayaal.

Ugu danbayn walaalayaal aan ku dadaalno inaynu bishan ka faa’idaysano macaasida iyo danbigana iska ilaalino.

 

Cabdinaasir Xasan Macallin,

Zudaizi2020@gmail.com

+252634136953

+252659923677