Goobaha Shidaal soo-saarka ee Sucuudiga oo la weerarray maanta

Riyadh (Aftahannews)– Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka lagu qaaday meelo ka mid ah Goobaha Shidaalka ee Sucuudiga.

Weerarka ayaa lagu ekeeyay Goobo ka mid ah Meelaha Shidaal soo-saarka ee Dalka Sucuudiga, Goobaha Weerarka lagu qaaday ayaa ah laba.

Weerarkan oo dhacay Salaasada Maanta, ayaa waxa uu sababay khasaare aan badnayd, kaasi oo soo gaadhay dhuumaha Saliidda qaada ee gaadhsiinaya Dekedda Yanbu, sidaa waxa sheegay Wasiirka Tamarta ee Dalka Sucuudiga Khalid al-Falih oo Qoraal uu soo saaray ay baahisay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee loo yaqaano SPA.

Markii diyaaraduhu bilaabeen duqaynta ayaa Shirkadda Aramco joojisay inay dhuumaha Shidaalka ku siidayso, laakiin dab baa kacay markaa ka dib, sida Qoraalka lagu sheegay

“Aramco waxay samaysay Tallaabo kasta oo muhiim ah, si ay u bakhtiisu dhuumaha shidaalka..” ayaa lagu sheegay Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Tamartu.

Weerarkan ayaa yimid, Maalin ka dib markii Weerar lagu qaaday laba ka mid ah Maraakiibta Shidaalka Sucuudiga oo marayey Xeebta dalka Imaaraadka Carabta.

Al Masirah TV channel oo ah Telefiishan ku hadla Afka Xuutiyiinta ka dagaalama Dalka Yemen, ayaa xaqiijiyey in Milletariga Xuutiyiintu uu Weerarkan ka dambeeyo.