Madaxweyne Biixi oo Sheegay in Shirkadaha Laydhka Tallaabo laga qaadayo, kana hadlay Khasaaraha Roobka

MADAXWEYNE BIIXI MAAYERKA HARGEYSA KU XIGEENKIISA TALIYAHA BOOLISKA IYO MADAX KALE OO KORMEERAY GOOBAHA ROOBKU WAXYEELAY 2019
MADAXWEYNE BIIXI MAAYERKA HARGEYSA KU XIGEENKIISA TALIYAHA BOOLISKA IYO MADAX KALE OO KORMEERAY GOOBAHA ROOBKU WAXYEELAY 2019

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa ka hadlay khasaaraha dhimashada 5 Qof, dhaawaca 10 kale iyo burburka guryo iyo gaadiid ee ka dhashay Roob Mahiigaan ah oo caawa fiidkii ka da’ay Hargeysa, waxaanu Shirkadaha Korontada ugu baaqay inay joojiyaan xadhkaha jilicsan ee dabka xambaara iyo badbaado la’aanta adeeggooda.

MADAXWEYNE BIIXI MAAYERKA HARGEYSA KU XIGEENKIISA TALIYAHA BOOLISKA IYO MADAX KALE OO KORMEERAY GOOBAHA ROOBKU WAXYEELAY 2019
MADAXWEYNE BIIXI MAAYERKA HARGEYSA KU XIGEENKIISA TALIYAHA BOOLISKA IYO MADAX KALE OO KORMEERAY GOOBAHA ROOBKU WAXYEELAY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay inaan loo dul-qaadan doonin oo ay nasiib-darro tahay dhibaatada dhimashada, dhaawaca iyo gubashada guryaha ah ee uu Dabka Shirkadaha Laydhku soo gaadhsiiyo Bulshada markasta oo Roob ka da’o caasimadda Hargeysa, isaga oo xusay inay dowladdu tallaabo ka qaadi doonto Shirkadaha Korontada bixiya.

Shanta Qof ee dhintay laba ka mid ah oo midkood Gabadh tahay waxa qabsaday Dabka mid ka mid ah Shirkadaha adeegga Korontada bixiya, halka saddexda kale ay saarnaayeen Gaadhi Daad ku qaaday Xaafadda 150-ka ee isla magaalada Hargeysa markii roobku da’ay.

Madaxweyne Biixi oo ay weheliyaan Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, ayaa isla caawa kormeeray qaar ka mid ah goobaha Roobku waxyeellada gaadhsiiyey iyo goobaha dadku ku dhinteen ee magaalada Hargeysa qaarkood, waxaanu Shacabka ugu baaqay inay ka dheeraadaan goobaha biyo-mareenka ah xilliyada Roobka.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Kormeerkiisa ka dib jeediyey, waxaannu idiinku soo gudibnaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.