Dawladda Somalia oo ku dhawaaqday in imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada sare la hakiyay

Muqdisho (Aftahannews) – Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in hakad galiyay Imtixaankii dowladda ee Saddexdii cisho ee la soo dhaafay ka socday guud ahaanba Soomaaliya, kaddib markii la helay qeyb ka mid ah qishka Maadooyinka Imtixaanka lagu galayo.

Maalmihii ugu danbeeyayba baraha bulshada waxaa lagu arkay qeybo ka mid ah maadooyinka lagu keenay sanadkan Imtixaanka dowladda gaar ahaan Carbiga iyo Xisaabta oo loo gacan galiyay qaar ka mid ah ardeyda, taasoo keentay in Wasaarradu go’aankaa qaadato.

‘’ Wasaarradu markii ay la tashatay inta bah-wadaaga waxbarashada la ah, waxaa noo soo baxday in aynu joojino Imtixaankii socday ee dowladda, kaddib markii la bax-shay ama la helay qishka qaar ka mid ah Maadooyinkii Imtixaanka lagu keenay’’ ayuu yidhi Wasiirku.

Wuxuu sheegay Wasiirka in labadii cisho ee la soo dhaafay Imtixaankii ay ardeydu galleen laga soo qaadayo waxba kama jiraan ‘’ Waxaa go’aan lagu gaadhay in Imtixaankii dhamaantiis la baabiiyo oo dib loo qaado, waxaa uu dib bilaabanayaa haddii uu alle idmo 27ka bishan isaga oo socon doona ilaa 31ka, waxaa ay wasaarradu ku talagashay markan in si ka adag sidii hore loo qaado Imtixaanka, islamarkaana intaa uu socdo dalku aanu ka jiri doonin isticmaalka baraha bulshada’’ ayuu yidhi Wasiirku.

Wuxuu sheegay in saddexdii cisho ee la soo dhaafay Lixdii Maado oo la qaaday dhamaantood lagu arkay iyaga oo suuqa yaalla, sidaa daraadeed ayuu sheegay in aan waxba laga soo qaadi doonin Maadooyinkii ay ardeydu Imtixaanka ku galleen saddexdaa cisho ee la soo dhaafay.

‘’Waxaa wax laga xumaado ah in ay jiraan dad iyada oo waliba lagu jiro bisha Ramadaan ka ganacsanaya Imtixaanka, arintan xitaa waxaa ku lug leh Waalidiin, sidaa daraadeed ma aqbaleyno in ardey dadaalay uu soo garab fadhiisto mid kale oo Imtixaankii gacanta ku sita’’ ayuu yidhi Wasiir Goodax.

Waa markii ugu horeysay tan markii uu soo bilaabmay Imtixaanka dowladda Soomaaliya in ay dibada u soo baxaan qishka Maadooyinka lagu keenay Imtixaanka.