Booliska Laascaanood oo Toogasho ku dhaawacay, Xabsigana dhigay Weriye Cabdi Kayse Tungub

Laascaanood (Aftahannews) – Ciidammada Booliska magaalada Laascaanood, ayaa rasaas nool u adeegsaday, isla markaana dhaawac gaadhsiiyey Wariye Cabdi Keyse Tungub oo ay markii dambena xabsiga u taxaabeen Weriyahaas oo gobolka Sool uga wakiil ahaa Telefiishanka Bulsho.

Weriye Cabdi Keyse, ayaa dhaawac soo gaadhey xiliga la qabanayey sida uu C/raxmaan Cali Ducaale wakiilka ururka SOLJA ee gobolka Sool xaqiijiyay, ka dib markii ay Askar Booliska Laascaanood qabanayeen ay u adeegsadeen Rasaas nool, taas oo sababtay in dhaawac gaadho Weriyaha.

Inkasta oo aanay Weriyeyaasha hore rasaastu sida suxufigan oo kale u dhaawicin, haddana waa markii saddexaad ee ay Booliska Somaliland rasaas nool ku ridaan Suxufiyiin. 10-ka bishii March sannadkan 2019-ka ayey ahayd markii Askari Booliska ka tirsani Weriye ku riday  Rasaas, ka dib markii loo diiday inay Weriyeyaal saddex ahi galaan Garoonka Kubbadda cagta ee Gabiley oo Wefti iyo Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Gabiley kormeer ku marayeen, kaasoo aan dhibi ka soo gaadhi rasaasta askarigu ku furay, balse la xidhay oo muddo markii uu ay 3da weriye xidhnaayeen Ururka SOLJA xadhigga lagu xukumay u iibiyey, halka isla horraantii bishii Maarso ee 2019-ka weriye kale lagu toogtay magaalada Laascaanood.

Weriye Axmed-Saakiin, ayaa 2013-kii lagu dilay magaalada Laascaanood, marka laga yimaaddo dilka Weriyahaas, waa markii ugu horreysay ee sidan oo kale qaab badheedh ah ay Booliska Somaliland rasaas nool u adeegsadaan Weriyeyaal kala duwan oo ku kala sugan magaalooyinka dalka, gaar ahaan Laascaanood iyo Gabiley.

Tacaddiga iyo dhibaataynta Suxufiyiinta madaxa-bannaan ay Ciidammada iyo Xukuumadda Somaliland u geysataan, cabbudhinta, xidhista iyo xayiraadda xarumaha warbaahinta, ayaa marba marka ka dambaysa kor u kacayey intii ay xilka hayeen Xukuumadaha Xisbiga Kulmiye oo kala ah Xukuumaddan uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Muuse Biixi iyo Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane Axmed-Siilaanyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.