Xukuumadda oo ka hadashay Tirada Dadka ku dhintay iyo inta laga badbaadiyey Roob Hargeysa ka Da’ay

Hargeysa (aftahannews):- Ugu yaraan shan Qof, ayaa ku geeriyooday Roob xoog leh oo galabta illaa fiidkii caawa ka da’ay magaalada Hargeysa, kuwaasoo isugu jira kuwo Daad gaadhi ku qaaday iyo kuwo Laydh amma Koronto ku dhegtay, sida ay masuuliyiinta dowladdu xaqiijiyeen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in shanta qof eek u dhintay saddex ka mid ah oo Rag ah Gaadhi ay wateen Daadka Roobka ka dhashay qaaday, halka labada kalena uu Laydh qabsaday.

Taliyaha iyo Wasiirku waxay sheegeen in Dad badan iyo Gaadiid ba laga badbaadiyey Daadka iyo Dabka korontada guryohooda ka dhashay oo halis geliyey iyo qaar kale oo Dooxyo iyo Laago qaaday laga reebay oo laga badbaadiyey.

Wasiirrada arrimaha gudaha, Warfaafinta, Taliyaha Booliska iyo Maayerka Caasimadda, ayaa khasaaraha guud ahaan Roobka ka dhashay intay illaa hadda warbixinta ku hayaan kaga warramay shir jaraa’id oo ay wada-jir caawa ugu qabteen Hargeysa, waxaanannu warkoodoo faahfaahsan iyo baaqa ay Bulshada iyo Shirkadaha Laydhka u direenba idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.