Waa maanso baroordiiqa oo aan ka tiriyey geeridii Marxuum Xaaji C.kariin Xuseen (Cabdi Waraabe), oo ku geeriyoodey magalada Hargeisa 10-5-2019, kuna Beegnay 6-dii Ramadaan 1440 Hijriyada.
Inkastuu guyaal jiro
Guud ahaanba nooluhu
Ma gafaayo mawdkuyoo
Geeridu xaq weeyee
Geesi qiimo badaniyo
Gardaadshihi nabbadiyo
Geed lab qaran baa
Galabtaba baxoo
Soomaali gabbigeed
Geestii ay joogtaba
Gudcurba u dumayoo
Gabal baa u dhacay baas.
Hibadiisa guudiyo
Galaduu rag dheeraa
Aan gaar u sheegee
Arintaba haduu galo
Uu gorfeeyo xaajada
Milil guudka kama dhayee
Gunta nabarka hoosiyo
Gunaadku daweyn jirey.
Sama-doon garaadnimo
Guulaheen u dhaliyoo
Guurtinimo ku idishoo
Wada-jirka guudiyo
Midnimada gun iyo baar
In la gaadho jeceliyo
Guddonshuu ahaa Qaran.
Markay talo guracantee
Geedka looga yeedhana
Garyaqaanka dhaqankiyo
Sama-wade go,an adag
Xaajada ku gooyiyo
Guurtibuu ahaa Qaran.
Intuu goob colaadeed
Gacaliyo sokeeyiyo
Ilmadeer gayaan ahi
Hubka isku gurteen
U guntadey xalkoodoo
Goor danboo habeenimo
Socod guuro dheeriyo
Safar uu u galayoo
U ka baajay godobtiyo
Inay is gumaadaan.
Intee guux siyaasiyoo
Muran ina galin laa
Intuu maalay garashada
Go,aan wacan ka qaatoo
Uu soo gunaanadey.
Xisbiyadu gar-waaqsade
Shacbiguna garawsade
Geed lab Qaran inuu yoo
Xalku gaadho lagu Dego.
Guullow allow
Baryadaan gacmaha
Gabi taagnayee
Halyeyga galbadeed
Oofsatey galabta
Gurigii firfawsiyo
Janadaadi geeyo
Godkana u Nuur.
Guullow allow
Naxariista guudiyo
Raxmadaada gaarka
X.cabdi ku galadoo
Gurigii Firdawsiyo
Janadii ku geeyoo
Godkana u nuur.
Maxamed Jaamac Xaashi (Abwaan Boodhari)
Email:- boodhari_19@hotmail.com
Mobile:-063 4635984