Imaam Masaajid oo Da’diisu 100 jir tahay oo Kaniisad galay iyo Sababta keentay

SHEEKH OSMAN SHARUBUTU OO AH IMAAM BOQOL SANO JIR AH OO KINIISAD GALAY 2019
SHEEKH OSMAN SHARUBUTU OO AH IMAAM BOQOL SANO JIR AH OO KINIISAD GALAY 2019

Accra (aftahannews):- Imaamka ugu sarreeya Muslimiinta dalka Ghana Sheekh Osman Sharubutu, ayaa lagu arkay oo tegay Kaniisad ay ka socotay xafladda dabaaldagga dhalashadiisa, sida ay faafisay Idaacadda BBC.

SHEEKH OSMAN SHARUBUTU OO AH IMAAM BOQOL SANO JIR AH OO KINIISAD GALAY 2019
SHEEKH OSMAN SHARUBUTU OO AH IMAAM BOQOL SANO JIR AH OO KINIISAD GALAY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sheekh Osman Sharubutu waa nin 100 sano jir ah oo af gaaban, waxaana lagu yaqaannaa inuu nabadda u ol’oleeyo. Mas’uuliyiinta kaniisadda ayaa ku maamuusay xafladda, iyagoo muujinayay sida ay ula dhacsan yihiin noloshiisa.

Muftigan ayaa hoggaamiye u ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalka Ghana, wuxuuna doonayaa in dhaxalkiisu uu noqdo ol’olaha nabadda iyo isdhex galka dadka diimaha kala duwan leh.

MUSLIMIINTA GHANA OO IIMAAN OSMAAN SHARUBUTU TUKINAYO
MUSLIMIINTA GHANA OO IIMAAN OSMAAN SHARUBUTU TUKINAYO

Dhawaan waxaa baraha xiriirka bulshada si weyn ugu faafay sawirro muujinaya Sheekh Sharubutu oo dhex fadhiya kaniisadda masiixiyiinta ee magaalada Accra, xilligii loo dabaal dagayay munaasabadda Easter-ka.

Maalinkaas waxa uu isagoo imaam muslim ah barbar taagnaa dadka masiixiyiinta ah ee xusayay munaasabaddooda sanadlaha ah, halka kooxo islaamiyiin ahna ay weerar ismiidaamin ka fuliyeen kaniisado ku yaalla dalka Sri Lanka, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 250 ruux.

XAFLADDA KINIISADDA KA SOCOTAY EE IIMAAMKU GALAY
XAFLADDA KINIISADDA KA SOCOTAY EE IIMAAMKU GALAY

Dadka baraha xiriirka bulshada ku falanqeynayay arrintan waxay Imaamkan ku tilmaameen ‘iftiin kasoo baxaya meel mugdi ah’.

Hase ahaatee, tallaabada uu qaaday qof walba kuma uusan faraxsaneyn, dadka qaar ayaana ku dhaliilay in ficilkiisu uu yahay mid xadgudub ku ah diinta Islaamka, maadaama sida ay sheegeen uu ka qeyb galay cibaado ka socotay kaniisad.

Balse Sheekh Sharubutu ayaa ku adkeystay inuusan cibaado ku sameyneynin kaniisadda laakiin ay ujeeddadiisu ahayd inuu ballaariyo xiriirka wanaagsan ee muslimiinta iyo masiixiyiinta.

“Imaamka wuxuu baddalayaa fikirka laga qabo muslimiinta oo ah in diintooda ay tahay mid daciif ah, qalalaase ah, naceyb ka buuxo. Wuxuu doonayaa inuu dadka u sheego in diinta islaamku ay tahay mid nabadeed oo uu jacayl ka buuxo, nabad iyo iscafinna leh”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay af hayeenka Imaamka oo lagu magacaabo Aremeyao Shaibu.

Sheekh Sharubutu waxa uu imaamka ugu sarreeyay muslimiinta Ghana soo ahaa muddo 26 sano ah, waligiisna wuxuu ku adkeysan jiray in tiirarka diinta islaamka ay yihiin nabadda iyo jacaylka.

Wuxuu qodobbadaas si joogto ah ugu soo qaataa mowduucyadiisa khudbadda jimcada ee uu isbuuc walba ka jeediyo masaajidka weyn ee caasimadda dalka Ghana.

In wax la sadaqeysto

Waxyaabaha kale ee uu sida weyn dadka ugu boorriyo waxaa ka mid ah in sadaqada la baxsado, isagoo sheega in wax bixintu ay sii horseeddo taajirnimo.

Guriga uu dagan yahay oo ku dhex yaalla xaafad ay ku badan yihiin dadka saboolka ah waxa uu mar walba albaabkiisa ka dhigaa mid u furan bulshada.

Muddo sannado ah ayey dadka deegaanka subax walba usoo kallahaan gurigiisa, si ay biyo uga dhaansadaan, halka kuwo kalena ay habeenkii u doontaan raashin.

Bulshada dalka Ghana, waxay dadka muslimiinta ah ka yihiin 18%, waligeedna lama soo tabinin qalalaase ka dhaxeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta aqlabiyadda ah.

Sheekh Sharubutu wuxuu xubin ka yahay Golaha Qaran ee Nabadda, kaasoo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaal kala heysta ilaa 13 diimood.

Laakiin isaga waxaa si gaar ah loogu yaqaannaa inuu si shakhsi ah u faragaliyo xiisadaha, si uu xal ugu helo.

Waxaaba uu sameeyay Sheekh Sharubutu

  • Wuxuu si shakhsi ah uga qeyb galay in ka badan 5,000 oo xaflado aroos ah oo uu haween ku mehriyay.
  • Wuxuu hoggaamiyay in ka badan 4,000 oo salaado janaasooyin ah.
  • Wuxuu goob joog u ahaa in ka badan 10,000 oo xaflado carruur loogu waqlalayay ah.