Xildhibaan Dhakoolow Waad Dhurantee Bal Dhugo W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dhawaan ayuu warbaahinta la hadlay Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada Soomaalilaan, kana soo jeeda gobolka Sool. Hadalka Xildhibaan oo badnaa waxa ku jirtay weedh u dhignayd sidan” “18-ka May ma jirto, waxaanu u naqaanaa Maalin madow oo beeshe dhexe dabaal dagto, waa Maalin SNM oo kaliya leedahay” waa kelmad aan maskaxda la soo marin oo meel-ka-dhac ku ah taariikhda 18 May iyo go’aamadii lagu gaadhay shirkii Burco ee 18 May 1991 ee ay u dhammaayeen beelaha Soomaalilaan.

 

Xildhibaanka ayaa lagu yaqaanaa nin si caadifadeysan u guta doodihiisa siyaasadeed ee uu kolba kaga soo horjeedo cida ay is-hayaan. Doodaha ku dhisan difaacada cida ay maslaxadi ka dhaxayso ayuu hadh habeen u taagan yahay. Calaamad Islaam way ka muuqataa oo sunnaha gadhka wuu la baxay, ma se xakamayso caadifada uu inta badan ku faano. Mar uu u jawaabayey wasiirkii hore ee caafimaadka Xaglo toosiye oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedeen ayuu hab-dhaqanka qofnnimo ee wasiirka ku sheegay “Wasiir xaglo-toosiye maaha qof dhaqan ahaan iyo maamul ahaanba caadiya”.

Tafsiirka hadalkaasi waa mid aan maanka iyo maskaxda la soo marin, oo si aan hubsiimo lahayn loo yidhi. Xildhibaan Dhakool inuu dafiro sooyaalka ay ku timid 18 May waa laba mid uun: kow, In aanu waxba ka aqoon taarikhda Soomaalilaan siday ku timid markii uu meesha ka baxay keligii-taliyihii dhiigyo-cabka ahaa ee MSBarre. Laba, inuu si badheedh ah ugu gefay taariikhda isaga oo og siday ku timid, hasayeeshee siyaasadeynaya oo cid ay is-hayaan u jeeda. Waa se nasiib-darro inuu sidaasi yeelo, haddii ay ta dambe dhab ka tahay. Haddaba xidhilbaan Dhakoolow dhugo taariikhda 18 May siday ku timid, maankaaga u sii daa.

Siday Ku Timid 18 May 1991?

Shirkii Walaalaynta Beelaha Waqooyi

Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaasi oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

Qodobadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob:

= In Waqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur

= In lagu dhaqmo shareecada Islaamka

= In la sugo nabadgelyada Waqooyi

= In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Waqooyi

= In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Waqooyi

= Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.

Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.Shirkii ay SNM qabsatay. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii SNM waxa guddoominaayey, guddoomiye ku xigeenkii SNM Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Somaliland ee taliskii Max’ed Siyaad hubka isugu dhiibay. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay”Halkan waxaynu isgu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (Somaliland) isku turxaan bixiyaan”

Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir beeleedkii Buro ayuu golihii dhexe ee SNM ku dhawaaqay in somaliland tahay Qaran madax bannaan 18/5/1991

Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad.Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon sanno ka dib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha. Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa:

1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah

2. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.

3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni oo ka mid noqda Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.

4. Waxa kal-fadhigii 2-aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com