MAALINTA 18th MAY NINKAAN OGOLAYNI SOMALILAND MA OGOLA.

Filed under: Aragtida Bulshada |

Dad Islaama baynu nahay , la  iskuma xoqi Karo CIIDAL FITRIGA IYO CIIDAL ADXAA WAA LABA CIIDOOD OO ALLAH XURMEEYEY MID WALBA SIDEEDAY CIID U TAHAY ALLAH BAANA DOORTAY. Ciidaha ama dabaaldegyada kale ee dadku samaysto ee wadaniga ah sida 26 June 1960 ama 18 May  iyana waa laba dabaal Deg oo WADANI ah oo mid walba xaalad ummadda khusaysa KU Timi oo muhiima . Ta hore gaalkii inagoo Muslim ah inoo talinayey baynu erinay oo Nidhi Gaalnimo nagu Xukumi maysid iyo wadankayaga Guul bay ahayd la wada hubo oon la ilaabi karayn. Tan Kale 18 May 1991 guul kale oo aad u umuhiima bay ahayd oo LAGA Soo noqday isku darkii Somalia iyo Somaliland oo sababta u weyni ahayd markii la arkay khasaaraha baaxadda leh ee ummadda REER Somaliland Kala kulantay ISKU DARKAA AAN LA MAAHADIN REER SOMALILAND OO DHAMI DARAF ILAA DARAF LANA ARKAY 1991 KII WAXA SOMALIYA KASOO SOCDA OO RAJO BEEL AHAA OO ILLAA YAWMANAA HADAA KA SOCONAYA SOMALIYA OO 18MAY AY NOQOTAY MAALINTA AH HANGOOLKII LA ISKAGA QABTAY DAGAALADA IYO QARAXYADA KA SOCDA WELI SOMALIYA. FRUIT KA NOOCAAS AH DADKAN SNM LAHU TILMAAMAA OO QUDHI MA CUNAAN EE REER SOMALILAND OO DHAN BAA WADA CUNA FAAIIDOOYINKA NABADDA AH EE 18 MAY REER SOMALILAND U WADA KEENTAY.

Arinta maamulka Dalka looma dhamma isumana dheeli tirra waa run oo qabaail gaara baa u Dawladdii ISKU koobay way jirtaa laakiin taasi 18 May maaha. 26 June BA markay dhalatay Maamul xumo iyo musuqmaasaq a wuu lahaa dalku ee 18May iyo 26 June labadaba reer SOMALILAND OO DHAMI LAABTA Ha u sii daayaan oo si wacan ha ogolaadaan .
Labada Prof. Waan KU raacsanay boqolkiiba boqol tabliiqooda SOMALILAND san laakiin HADAL Ka haddaan HALKUU leeyahay la dhigin xikmad guurbaa KU dhaca, xaqu Wuxuu leeyahay WAAR BEELAHA DARAFYADAW WAXA IDINKA MAQANI BEESHA DHEXE EE ISKA INDHA TIRAYSAAN WUU KA MAQANYEY OO ARAB IYO GARXAJIS  OO KAADIDOODA U SOO CABBAYBA WAXA IDINKA MAQAN XAGGA WADA LAHAANSHAHA DAWLADDA IYO SAAMI QAYBSIGA WUU KA MAQANYEY OO SOMALILAND CIDINA CID UGA MARTI NOQOMAYSO WAA RUN LAAKIIN 18 May waynu wada leeyahay. Xagga ictiraafka Abdi Qays baa beri riwaayad DHIGAY ay KU jirtay HADDAAD DAASAD KU DAAFAD KA SOO QAADATO OOD TOOSTOOSISATID CID UUN BAA KU ODHAN KEEN BIYAA AAN KU CABBEE , CID UUNBAA SOMALILAND U IMAN ADDUUN WEYNAHA WAX KU DARSAN OO ICTIRAAFI WAA HUBAAL TAASI WAAYO WADANKU WUXUU KU YAAL MEELAHA ADDUUNKA UGU QAALISAN.
Aniga Manifest tadaydu waxay HALAWADA QAATO 26 JUNE IYO 18 MAY SIDA CIIDAL FITRIGA IYO CIIDAL ADXAA ISAMANA DIIDAYAAN EE WAA LA IS WAAFAJIN KARAA LABADA XADIIS, LAAKIIN NINKII 18 MAY DIIDANAW WAXAAD DIIDANTAY WAA SOMALILAND.
MUSHKILADA SOMALILAND WAXAY U BAAHANTAY BREAKDOWN . NO SOLUTION OF ANY PROBLEM WITHOUT MAKING BREAKDOWN THE PROBLEM ITSELF. SOMALILAND WAA LA WADA LAHAA KULMIYE KA HOR IMIKAY DAWLADDII BOOBEEN REERNA MAAHA EE DAD TIRSAN OO KU DANAYSANAYA DANGUUD BOOBKA MARKAA BEESHA DHEXE WAXAY U DULMANTAY SIDA DARAFYADA OO KALE . DADKA YAAN LA MARIN HABAABIN SNM WAXAN JIRA MAY SAMAYN .
M BASHE

You must be logged in to post a comment Login