Akhri: Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir(Doorkan Iyo Gudaha Xafiiskiisa)?. Q:3-Aad.

 

Waxaynu qabtii 2-aad taxanaheenan ku soo aragnay xogo badan oo ku saabsan shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Musuq maasuqa ku gadaaman, hanaanka uu shaqada dawladda ku soo galay iyo sababaha isagoo musuq maasuq ku eedaysan loo dalacsiiyay ee looga dhigay illaaliyaha hantida qaranka isagoo isagii dhex jiifo eedo Musuq maasuq oo uu gaystay mudooyinkii iyo xilalkii kala duwanaa ee uu kasoo qabtay Dekeda Berbera.

Waxaynu taxanaheenan maanta ku soo qaadanaynaa arimo layaableh oo ka dhex taagan Xafiiskan uu madaxda ka yahay ee Hanti dhawrka Qaranka Somaliland ee Hargeysa, gabood falada uu ku hayo Shaqaalaha Xafiiska, sida uu ugu tagrifalo Miisaaniyadda Xafiiska, lacagaha gaarka ah ee u sida gaarka ah u maamusho, kooxo gaar ah oo uu ku sir qarsado oo uu ka dhex samaystay shaqaalihiisa iyo Hanaanka qabyaladdeed ee uu mansabyada sare ee Xafiiska uu ugu taxay shaqsiyaad ay isku hayb yihiin oo shaqaalaha Hanti dhawrka ka tirsan arintaasi oo si weyn uga dhex guuxaysa Xafiiska Hanti dhawrka islamarkaana niyad jab ku riday aqoonyahano fursad u waayay inay aqoontooda Qaranka ugu shaqeeyaan.

Aynu Ku Horayno Qaabka Uu Umusuq Maasuqo Miisaaniyadda Xafiiska Iyo Lacagaha Gaar Ah Ee Uu Ku Tagrifalo Ee Iska Maamusho.

  1. Waxa jira lacag dhan 7-Bilyan Oo Sl/Shilings ah oo labadii sanno ee u dambeeyay miisaaniyadda loogu daray, lacagtaasi oo gunno ahaan shaqaalaha loogu kordhiyay si ay uga maarmaan baahasho iyo inay laaluush ka qaataan Goobaha ay baadhayaan, lacagtaasi waxaa la ogaaday inaanay shaqaalaha gaadhin oo uu keligii ku tagrifalo oo uu iska maamusho. Lacagtaasi saddexdii bilood waxay noqonaysaa oo shaqaalaha loogu talo galay in shaqaalaha Gunno ahaan loo siiyo 1.8m(Hal Bilyan iyo Sideed Milyan Oo Sl/Shilin ah. lacagtaasi wax xisaab celin ah malaha,waxaana si toos ah iskaga maamusha Hanti Dhawre Axmed Yuusuf Dirir.
  2. Sidoo kale sanad kasta Waxa Shaqaalaha Hanti dhawrka loo qoondeeyay 400 Milyan oo SL/Sh ah oo gaar ah oo ay kharashaad uga dhigtaan Hawsha Xisaab Xidhka sannadka, lacagtaasi waxa loogu talo galay inay Hanti dhawrku ku kiraystaan Khubaro ka caawisa Xisaab xidhka Qaranka guud, waxa lacagtaasi si gaar ah iskaga maamusha Hanti Dhawre Axmed Dirir, waxaana la cunna  oo aanu ogaanay saddex nin oo kale oo uu ka mid yahay Cali Bilyan iyo nin ay walaalo yihiin.  Sidoo kalena xisaab xidh wanaagsan ma keenaan, shaqaalaha kalena waa laga qariyaa lacagtaasi. Sanad walba Baarlamaanku way kusoo celiyaan, maadaama oo aanay xilba iska saari Hanti dhawrku islamarkaana wax khuburo ah oo ka caawisana aanay adeegsan, waxay jaldiga ka badelaan oo ay koobiyaystaan Xisaabka Xidhka Xisaabaadka guud samaystaan waana arin iska caana oo si weyn looga war hayo.

Mansabyadda Sare Ee Xafiiskiisa Iyo Qaabka Beelaysan Ee Uu Qarabadiisa Uga Buuxiyay.

  1. Dhamaan Shaqaalihii Khibradda lahaa buulka ayaa la wada dhigay, waxana loo kala saaray reer reer iyo kooxo, dhamaan waaxyaha iyo meelaha mihiimka ah waxaa loo dhiibay  kooxo iskuwada beel ah oo ay hayb wadaag yihiin Cali Bilyan iyo Hanti dhawraha, dadka baadhisaha loo diraana waa inyar oo isku koox ah taasi oo dawladnimadii bahdishay, isla markaan niyad jab ku riday shaqaalaha Hanti dhawrka gaar ahaan ragga aqoonyahanka ee xafiisyadaasi ku sugan oo ay aqoontoodii dabartay Hanaanka qabiil ee la isku dalacsiiyo xafiiska hanti dhawrka.

Wax Ka Ogaw Sida Uu Wali Axmed Dirir U Xoolaysanayo Iyo  Hantidii Ugu Dambaysa Ee Uu Samaystay.

1       – Waxa uu wali Axmed Dirir ku guda jiraa hanti boobka Xoolaha Dawladda, Waxaana lahayaa Meherado waa weyn oo ganacsi oo aanu hore u lahayn oo uu hadda samaystay intii uu Xafiiska Hanti dhawrka joogay, kuwaasi oo ku kala yaala Magaalooyinka waa weyn ee Hargeysa, Berbera iyo waliba dalka imaaraatka carabta gaar ahaan Magaaladda Dubai.

2       Arinta ugu xiisaha badan ee aadka loo hadal hayo waxa ka mid ah inuu hanti dhawre Axmed Dirir Ganacsi waa weyn oo muuqda ka samaystay Magaalada Hargeysa, waxa ka mid ah Ganacsiga uu Hargeysa dhawaan ka samaystay Macrad baabuurta lagu iibiyo oo weyn oo kuyaala Barigga magaalada Hargeysa, kaasi oo caan ah oo aad dadka yaqaanaa ugu og yihiin, waxaana macradkaasi magaciisa layidhaa AL-XIGMA Motors, waxa uu u dhaw yahay Masjidka tabliiqiyiinta HARGAYSA ee Dhinaca Bariga HARGEYSA Waxaanu saaran yahay Laamayda Berbera u baxda. Waxaa jira huteelo iyo meherado kale oo uu samaystay intii uu Xilka Hanti dhawrka hayay. Waxa jira oo sawiradoodii warbaahinta lagaliyay fooqyo uga socda Badhtamaha Magaaladda Hargeysa oo ah dhulka qaaliga ah waxaanu dhulkaasi iibsaday dhawaan. Waxaanu idinla wadaagi doonaa dhawaan muuqaaladooda iyo lacagta uu siistay iyo waliba wakhtiga uu iibsaday.

Waxaynu Isbarbar-Dhig Yar Ku Samaynaynaa Farqiga U Dhexeeya Xafiiska Xisaabaadka Iyo Hanti Dhawrka Oo Dhinaca Isku Haya, Wax Badanina Ka Dhexeeyo.

Bal u fiirso oo akhri!!!!

Xafiiska Xisaabaadka guud malaha wax miisaaniyad ah, mana jirto habayaraatee, Waxa kaba oo lacagta iyo Gunooyinka siiya Wasaaradda Maaliyadda, waxaanay qaataan Mushahar ahaan Shaqaalaha Xisaabaadku lacag dhan qofkiiba 5-milyan iyo dheeraad, iyagoo shaqeeya 7:Am illaa 2-PM(Galabnimo) oo xidhiidh ah. Majiro wax kala sooc ah oo ay ku sameeyaan Madaxdoodu, oo ku salaysa Cunsuriyad Qabiil iyo mid qof jeclaysi ku salaysan toona, sidaa dartee si siman oo dawladnimo ka muuqato ayaa loo hawlgaliyaa. Haddii aad booqato xafiiska Xisaabaadka waxaad dareemaysaa Niyad samida Shaqaalaha iyo sida ay u jirsanayaan Haybadda Dawladnimadda. Waxa sidaasi ka yeelay oo madaxdooda oo aan cadaalad daro ku maamulin, una kala abtirin ee aqoon iyo kartidooda ku dalacsiiya.

Xafiiska Hanti Dhawraha Guud Axmed Yuusuf Dirir: waxa uu leeyahay lacag dhan 2-milyan oo Dollar iyo in kabadan sannadkii oo uu si gaar ah ugu tagrifalo oo aan wax xisaab celin ah iyo dabagal ah lahayn. Halka ay Nimanka masuuliyiinta ah ee hawsha ugu badan gala ee baadhista ugu badan sameeyaa ay qaataan Lacag yar oo laba Milyan ah sanadkii oo gunno ah, waxa halkaasi ka cad in lacagtii loogu talo galay raggaasi ay ku dhacdo jeebka Hanti dhawraha islamarkaana uu isagu musuq maasuqo, waana lacagtan uu meheraddaha iyo guryaha ka dhisanayo.

Shaqaalah Hanti dhawrku waxay kujiraan war war culus iyo niyad jab uu gayaysiiya Hanti Dhawre Axmed Dirir, waxaana la isku dalacsiiyaa hanaan Qabiil iyo sida ay ugu kala abtirsiin dhaw yihiin Hanti dhawaraha Guud. Intoo badani masoo shaqo tagaan waxaana shaqaysa koox ay isku hayb yihiin hanti dhawraha oo qaab qabiil loo maalgaliyo,loona loo hawlgaliyo. Majiro cid u maqan iyo ceel u qodani toona shaqaalaha Hanti dhawrka.

…………………………………………………………

Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London.