Semenya oo xogta telefoonkeeda loo dhacay

Caster Semenya oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika kuna guulaysatay oradka Olambigga ayaa sheegtay in la jabsaday xogta telefoonkeeda.

Waxay sheegtay in dadka jabsaday telefoonkeeda ay weyddisteen lacag si xogteeda dib loogu soo celiyo.

Semenya ayaa si weyn ay u hadal heysay warbaahinta caalamka kaddib markii dhawaan ay ku guuldareysatay racfaan ay ka qaadatay go’aanka guddiga maamula oradka oo ay ku mamnuuceen qaar ka mid ah tartamada oradka ee dumarka, iyaga oo arrintaas ku macneeyay in jirkeedda ay ku badan yihiin hormoonnada ragga u gaarka ah.

Waxay sheegtay in guddiga maamula oradka ay mar kasta ‘ay iyada bartilmaameedsanayaan’

Caster Semenya ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ku guulestay oradka olimbikada 800m ee lagu qabtay magaalada Doha.

“Ma jirto cid iga hor istaagi karta in aad oradka ka qeybgalo” ayay tidhi Caster Semenya.