Somaliland: Xaalad deg-deg ah oo la geliyey gobolka Sanaag

Hargeysa (Aftahannews)– Madaxweynaha Somaliland, Md.  Muuse Biixi Cabdi ayaa xeer Madaxweyne ku soo saaray in xaalad deg-deg ah lagu soo roggo degmooyinka Ceerigaabo, Ceel-Afweyne iyo Gar-adag oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xaaladdan Deg-degga ah ayaa socon doonta muddo Saddex bilood ah, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo goor dhawayd Xarunta Madaxtooyada kula hadlay Warbaahinta.

Xeerka Madaxweynaha u ogolaanaya inuu Xaalad deg-deg ah ku soo rogo Deegaannada Xaaladaha Amni-xumo ka jiraan ayaa loo gudbinayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland, kaasi oo marka la ansixiyo Ciidammada awood u siinaya inay masuul ka noqdaan deegaannada Xaaladda deg-degga ah lagu soo rogay.

Amarka ka soo baxay Madaxweynaha oo dhaqan-gelaya marka labada Aqal ee Baarlamaanku ansixiyaan xeerkaasi, ayaa ku soo aaday ka dib, markii Shalay deegaanka Gar-adag lagu dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliska ee degmada Gar-adag.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka