18ka May si Kale Ma u Xusnaa?

Iyadu waxay ku suntan tahay wadnneyaasha dadka Somaliland oo dhan, iyadu waa maalin qaran. Waa maalin yar iyo weynba la isku soo baxo .

Farxadda iyo damaashaadkana cidna la waydiin. Hase yeeshee maanta iyo maalmaha kale ee ka danbeeya si kale haddaynu u xusi lahayn ka warrama? Waxan waydiinayaa waydiintan cidkasta oo jecel midnimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland. Waxan kale oo waydiintani ku socotaa dhammaan hawl-wadeenada loo xilsaaray maalmulidda 18ka May (Dirircawleed) Hadday yihiin mid magaalo, tuulo iyo weliba dadka Somaliland ee ku kala nool dacalada Adduunka.

 

Haddii aynu damaashaadayno ma aha in la sameeyo xaflado qoob ka ciyaara oo waxba inoo kale soocnayn waxyeelo mooye waxtarba inoo lahayn ama inay habluhu daaqadaha gawaadhida iska soo laa-laadiyaan iyaga oo u jeedda farxadda 18ka May! Immisa lacag ayaad ku bixisaa isku diyaarinta 18ka May? Aad bay u badan tahay ugu yaraan waxad ku bixisaa 30 doollar! Ka warran haddaad soddonkaa doollar ugu shubi lahayd akawnka loo samayn doono 18ka May? Haddaan yareeyo ka soo qaad haddiiba ay ku shubi lahayeen dad dhan 300,000kun oo qof. Immisa Beerood, Ceel, Cisbitaal ayey dhisi lahaayeen? Immisa tuulood ayaa loo samayn lahaa biyo xidheenno? Wercelintu waa inbadan! Warbixinta Tirikoobkii ugu danbeeyey ee laga sameeyey magaalada Hargaysawaxay sheegtay in wadarta guud ay yihiin , Milyan iyo badh (1.5Milyan) oo qof ka soo qaad 1Milyan in aanay heli karayn 30 doollar 5ta boqol ee kale haddii ay ku shubaan akownkaasi waxay noqonaysaa sidan; (500,000 kun oo qof *30 Doollar = $15,000,000 Milyan) Shan iyo tobban milyan ayaa hal maalin oo kaliya la ururin karaa! Waa arrin aanad male-awaali karayn hadda! Balse waa la rumayn karaa riyadan haddii loo dhug yeesho maamulkeedana la helo.

In dad baahan la siiyo raashin ay maalmo ku noolaadaan, way wanaagsan tahay waxase ka sii wanaag badan in loo sameeyo wax raandhiis leh sida biyo xidheenno, riigag, baraago, seerooyin, beero, xoolo loo iibiyo dadkay xooluhu ma dhammaadeen. I.W.M. sidaa darteed miyeynaan ma maarmayn gacan shisheeye oo markasta aynu leenahay,”Na soo gaadhaay!” Runta haddaan laga gabanayn waynu ka maarmaynaa.

Gunnaanadka qoraalkaygan kooban waxa ila qumman in la sameeyo qoddobadan hadba siday suurto gal u tahay:-

·In la sameeyo sanduuq loo bixiyo Sanduuqa 18ka May.

·Dadka ha looga sheego warbaahinaha kala duwan tirada uu ka kooban yahay akownkani haddii laga furo Bangiga Somaliland, Dahabshiil ama Bangiga Salaama isla markaana ha loo sheego in ay iskood ugu shubi karaan iyadoo cidiba ka soo ururin.

·Sanduuqan ha la iskugu geeyo dhammaan lacagta laga soo ururiyo dadka iyada oo loo habanayo intee laga soo ururiyey sida; Wasaaradaha, Jamaacadaha, ganasadayaasha, qurbe joogta,culimada, hayadaha waddaniga ah Dugsiyada (kuwa Qaranka iyo kuwa gaarka loo leehayahayba’)

·Dhammaadka bishan ha eegaan dadka loo qoondeeyey inay maamulaan lacagtaasi.

·Lacagtan waxha loogu qabto dadka dalkan u soo halgamay iyo dadka jilicsan ee u baahan lacagtan sidoo kale ha loogu sameeyoShaqo abuur dhallinyarada tirada badan ee shaqo la’aanta baahsani la soo daristay, badahana isku guraya.

·Gudida xaafaduhu intay lacag iska ururiyaan, ha lagu soo iibiyo xoolo nool iyo cunto oo loo kariyo dadka dhimirka qaba ee jira Cisbitaalada dalka, Jeelasha iyo dadka kale ee Bukaan jiifka ah.

·Habbeenimadka lagu sameeyo xafladda Madaxtooyada inta badan dad gaara uun baa la iskugu yeedhaa, ha loo yeedho dadkii dalkan u soo halgamay iyo qoysaskooda. Ha loo muujiyo sharafta loo hayo iyaga.

F.G: Waxan rajaynayaa haddiiba aanu maanta fikirkaygan meel marin in uu meel mari doono maalin maalmaha ka mid ah hadduu Alle ogolaado oo dalka iyo dadka reer Somaliland ba ay waxtar wax ku oola ka heli doonaan.

Faadumo Buuni

Hargaysa,Somaliland

libaaxo.77@gmail.com