Taariikhdii Layaabka Badnayd Ee Halgamaa Xalane (Q1aad). Qalinkii Iyo Ururintii Cabdi Cawiye

Filed under: Aragtida Bulshada |

Wuxuu u xusul duubayey inuu xoriyad uu ku noolaado isaga iyo dadkiisuba taasoo maanta

aan macnaheedu aad u macaanayn waayo dadka soomaaliyeed iyagaaba maanta xoriyad la’aan ku yaacaya macnaha tahriibta iyo u boqoolka dibada oo ta ugu weyn ee lagala kulmaa hahay xoriyad la’aan dhinaca diinta iyo dhaqanka wanaagsan ah.

Suaal waa maxay xoriyadu?

What is the freedom?

Afeef: wadanigu reer maaha.

Qofba sibuu u yaqaanaa maanta xoriyada iyo raaxada nolosha.

Xoriyadduna waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro.

Waddaniyada xoogda badnayd iyo guubaabadii wax-garadka waxaa ka dhashay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo wax kasta oo qaali ku ah u bixinaya waddanka , wax kastana wadanku uuga muhiim sanayahay, tusaale; Xalane waxa uu ahaa halyay soomaaliyeed , waxa uu soo arkay dhibaatada gumaysigu leeyahay , neecowda xoriyadda wuu la kowsaday , bal aan isla yara eegno taariikh kooban oo uu inooga tagay Xalane oo uu ka sheekeeyey AHUN madaxweynihii Somaliya Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlaya taariikhda Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu yiri

Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa horay joogtey; waxay ahayd koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ayuu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago. Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, markaasay ku fureen boobe naftiisii gooyey; Maxamed isaga oo calankii ku duuban oo aan sii deynin ilaa ay nafta tii u dambeysey kabaxday ayuu la soo gurguurtey; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoobaanka ah oo da’ walba da’da ka dambeysaa ay dhaxlidoonto wuxuu ahaa: CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA.

Maxamed wuxuu ku soo simay colkii si uusan calanku cadow gacantiisa u gelin. Inkastoo naftiisii uu waayey ceebtii waa ka soo hoyiyey calankiisii Maxamed. Xasuusta uu reebay darteed, maanta nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, nin lagu xasuustaa Billad Dahab ah Maxamed Cabdulle Xalane, tan iyo maanta dalkeenna; waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddigle-nimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ah; tan saddexaad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka Kacaanka; Xarunta Xalane.

Xarunta Hargeysa ee Xalane. Iyo inHa badan xarumo Xalane loogu magac daray oo ku yaala inta badan magaalooyinka waaweyn ee soomaalida.

In la idiin ka taariikheeyey mooyee xaaladdeenna iyo tan cadowgu sida ay kala ahaayeen (xagga tirada hubka iyo raashinka), cadowgaa gumeysi xoog badan dabada ku hayey ‘Soomaali in la baabi’yaana taladoodu ahayd. Kuweennu godkii ay galeen say ugu jireen baa dagaalku ku dhammaaday; saddex bilood baa korkooda ku go’day. Anigu waxaan shaahid ka ahay inaan nimankii dhalinyarada ahaa oo dharkii iyo dhidid dhawrkiiba ka dhammaadeen ugu tagay godkii; cunnadooduna bariid garcadde ah bay ahayd, dawadana daciif baan ka ahayn. Haddana uma ay suuragelin cadow dalka inuu cagta soo dhigo. Waad ogtihiin waanad maqasheen baan u malaynayaa kuwaa dhaawac ah oo xabbadi ku taal inay inta qorigoodii qaateen ka baxeen isbitaalka oo ay yiraahdeen kolleyba haddaan dhimanaynno, intaan sariir ku dhiman lahayn; aan goobta ku dhimanno oo dagaal ku galeen sidaas kuna biskoodeen; waana joogaan qaarkood haddeer.

Markii aan ugu tagay godadka oo aan iri qaarkood: “waryaa waa adiga qaawane sidee ugu adkaysanaysaa qorraxda iyo dhaxanta?”, waxay igu jawaabeen: “waxaa i illowsiiyey dhaxanta iyo qorraxda sharafkayga iyo waddankayga iyo immaankayga; ma xanuunsanayo: adaa moodey inaan xanuunsanayee ha ka biqin meeshayda laga soo geli mahayo iyadoon maydkayga laga tallaabsan”.

Ogow geesigu marnaba ma dhinto hadii la dila magaciisaa sii noolaada immisa qof oo aan arag ayaa maanta yaqaana halgamaa Xalane

soco qaybaha dambe….

Xigasho khadar xussen

Mohamed Ibrahim Shire

Ururintii iyo Qalinkii Cabdi Cawiye

Tell +252634115877

shaywaal12@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login