Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir(Xoggo Badan Halkan Kaga Bogo)?. Q:2’aad.

Akhiristayaal waxaad qaybtii koowaad ku soo aragteen dhacdooyin badan oo yaableh oo xaqiiqo ah oo dul hoganaya Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, musuq maasuqii kala duwanaa ee uu sameeyay xiliyaddii uu Xilalka kala duwan kasoo qabtay Maamulka Dekeda Berbera, lacagtii Taagga lagu soo iibinayay ee uu cunay iyo hantida badan ee uu ka dhaqday Xoolihii Umadda ee lagu aaminay, waxa kale oo aad ku soo aragteen markii uu Siilaanyo xadhiga u diyaariyay cidda ka hawlgashay ee Siilaanyo ka ladqabaysay,taasi oo ay kuusii Xaqiijinayso xilkan isagoo tuugga ah lagu abaal mariyay ee mar kale Xoolihii u madda loogu loogay.

Waa Kuma Mar Kale Axmed Yuusuf Dirir?, Hantiisu intay leeg tahay?

Maanta Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir waxa uu ka mid yahay dadka ugu tujaarsan Magaalooyinka Berbera & Hargeysa, waxa uu ku leeyahay Dhismayaal aad u badan oo iskugu jira huteelo waa weyn iyo goobo ganacsi magaalooyinka Berbera & Hargaysa umaduna ay wada ogtahay, oo aan cidna ka qarsoonayn, waxaana uu hantidaasi ka dhaqday Xoolihii umadda ee lagu aaminay. Musuqa ugu badan waxa uu gaystay wakhtigii kala wareegga Dekeda Berbera ee ay Shirkadda Dp-World la wareegtay isagoo hanti badan oo iskugu jirtay Lacag cadaan ah iyo gaadiid iyo hanti kale oo uu Cali Xoor Xoor ku wareejiyay afka iska mariyay, meel ay jaan iyo cidhib dhigeenna aanay ciddi garanayn, markii ay Xukuumaddii hore ku ogaatay ee ay damacday in Xabsiga loo taxaabana waxaa difaacay Madaxweynaha Maanta oo wakhtigaasi ahaa Gudoomiyaha Kulmiye kaasi oo dano badan ku qabay islamarkaana sida uu sheegay Axmed Dirir, ay qaybsadeen Lacagtii Malaayiinka ahayd ee Taagga ee la waayay ee uu Axmed Dirir sida badheedhka ah AKAWNKA Dekedda ugala baxay. Sidoo kale Waxa uu Axmed Dirir ku leeyahay dhismeyaal dhaadheer Magaalada Dubai. Axmed Dirir waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka intay xoolihii umada boobeen hadana umadii kala xishoon waayay ee xaaraantii ku furtay goobo ganacsi, iyo dhul, dhismayaal maalin walba la iibsado.

Magacaabistii Xilkan Uu Hadda Haye Ee Hanti Dhawrka Iyo Dareenadda Ku Gadaanaa!!!

Markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilka Madaxtinimadda Dalka ku guulaystay, ee uu Xilka la wareegay waxa uu xilka Hanti dhawrka Qaranka u magacaabay Axmed Yuusuf Dirir oo illaa imika haya. Dad badan ayaa aad ula yaabay Madaxweyne Muuse Biixi sababta uu tuuggii uu Xukuumaddii hore ka ladqabeeyay uu xilkan culus ugu abaal guday, waxaase dadka intaasi ka sii xog ogaalsane ay iyana jawaabteeda ku siinayaa jawaabteeda oo uu nuxurkeedu noqonayo inay Ninkani Madaxweyne Muuse Wax baddan isku qarsanayaan.

Markii Uu Xilka Hanti Dhawrka La Wareegay Iyo Baadhisihii Uu Bilaabay + Fadeexadaha.

Haddaba Markii uu Axmed Yuusuf Dirir la wareegay xafiiska hanti-dhawrka ee Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay, in yar kadib waxa uu baadhis ku bilaabay dawladaha hoose ee wadanka dhamaantood. Baadhitaanadaasi waxa ay Hanti Dhawrku ka bilaabeen Xafiisyadda Dawladdaha hoose ee Magaalooyinka Boorama Gebiley, Hargaysa, Berbera & Burco. Waxa dhamaantood wada baadhay hal Tiim oo uu si gaar ah ugu xil qarsanayay Axmed Yuusuf Dirir, waxaana tiimamkaasi haystay oo uu Madax uga dhigay Cali Bilyan. Dhamaan magaalooyinkaasi meel kaliya oo wax laga qabtay may jirin marka laga reebo Boorama oo la soo eedeeyey Maayarkii, xilkiina lagaga qaaday?.

Akhri Dareenada Iyo Fadeexadaha Ka Soo Ifbaxay Baadhisahaasi?

Waxaynu ku dul istaagaynaa oo aan ku hakanaynaa Baadhisahan oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee uu Sameeyay Axmed Yuusuf bilawgii Muddo Xileedkiisa iyo fadeexadihii kasoo noqday.

Dabo-gal iyo faham gaar ah oo aan galiyay sida uu hantidhawruhu uu shaqada baadhistaa Hay’addahaasi u bilaabay iyo halka wax ka khaldameen ayaa waxa noo soo baxay qodobadan:

1. In Dhamaan Maayirada Magaalooyinka Hargaysa, Gebiley & Berbera Laga Qaatay Laaluush.

2. In Heshiis Joogto Ah Lala Galay Oo Bil Walba Ay Lacag Bixin Doonaan.

3. Iyo In Aan Culays Danbe La Saarin Ee Siday Doonayaan Ay Sameeyaan Oo Ay U Icticmaalaan Kharashka Mar Hadii Heshiis La Yahay.

Bulshooy ilaahaybaan idinku dhaarshee ma waxaasi ayaa baadhitaan ah? In la yidhaa mayarkii boorama oo kaliya ayaa la qabtay oo dhamaan maayiradii kale waa wada nadiif inaga oo og maanta hargaysa waxa ka taagan ma waxaan aqbali karnaa?.Waxaan ognahay markii la baadhayey dawlada hoose ee Berbera toban cisho intaaynay gaadhin mudadii la hayey faylashooda ayaa habeen madaw inta hargaysa laga qaaday la geeyey Berbera inta qalinkii akhtarka ahaa loogu saxay. Ma waxaas ayaa baadhis ah?

Muxuu Ku Badeshay Baadhisahaasi?

Waxaanu ogaanay in dhamaanba dawladahaasi hoose ee uu baadhay uu Axmed Dirir ka qaatay laaluush iskugu jira lacag iyo dhul, meesha kaliya ee uu ka waayay waxaasina ay ahayd Boorama isagiina la eedeeyey, waana tii uu Xilka ku waayay maayarkii Boorama. Ma waxaas ayaa cadaalada ama baadhis aan odhan karnaa ? waa ninkaa hantidhawraheena guud ee maantu bulshooy.

6. Kooxo Uu Ku Shaqaysto Oo Uu Samaystay & Haykalkii Xafiiska Oo Uu Baabiiyey.

Axmed dirir mudadii uu joogay hantidhawrka waxa uu sameeyey in uu shaqaalihii hantidhawrka kala qaybiyo, oo dadkii khibrada lahaa ee mudad dheer soo shaqaynay uu waxba u dirsan waayo ama ka qaado goobihii ay joogeen. Waxa uu samaystay laba kooxood oo beeshiisa ah oo uu u dirsado meeshii uu doonayo in la baadho si ay ugu soo ururiyaan laaluushka uguna fudaydiyaan musuqa uu doonayo, waxaad arkaysaa mar meel koox baadhis ah loo diro in 5 ama 6 qof ee goobtaa loo diro ay isku beel wada yihiin oo dawladnimadii meesha laga saaray, sobabta ugu waynina ay tahay musuqa uu doonayo si aan loo fahmin.

Waxa kale oo dhacday in uu baabiiyay hawkalkii dawladnimo oo dhamaanba waaxyihii kala duwanaa ee xafiiska hantidhawrka uu ka dhigay wada beeshiisa dadkii kale oo dhana uu meesha ka saaray.

7. Miisaaniyadii Xafiiska Hantidhawrka Iyo Sida Uu Ugu Tagrifalo!!!

Waxa uu sameeyey in uu musuqay miisaaniyadii xafiiska ee loogu talo galay in la siiyo shaqaalaha Hantidhawrka si meesha looga saaro in aanu ninka hantidhawrha ah ee wax baadhayaa aanu waxba waydiisan Masuulka uu baadhayo. Lacagtaasi Axmed Dirir wuu ka duudsiyey shaqaalihiisa, lacagtaasi oo dhan milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar sanadkii waxa uu ku shubtaa akoon gaar ah oo sadexdii biloodba loogu shubo lacag gaadhaysaa 3 boqol oo kun oo dollar. Taasi haddii aad rabto waxa aad boqataa Xafiiska Hanti dhawrka, waxaanad ka ogaan kartaa Shaqaalaha laftooda iyo masuuliyiinta halkaasi ku sugan ee dulman.

Halkan U Fiirso Oo Fahan Buuxa Ka Qaado?.

Lacagtaasi ma laha wax xisaab celin ah ee waxa uu ula baxaa sida uu doono, shaqaale waxba kama siiyo marka laga reebo kooxaha uu samaystay oo uu waxyar ka siiiyo iyaga. Madaxweyne ma dawladnimadaa in hantidhawrihii wax sixi lahaa uu isagii boobayo lacagtii shaqaalaha lagu tayayn lahaa? Wasaaradaada maaliyaduna ay si toosa ugu fudayso musuq oo akoon ugu shubto inaga oo ogsoon in hay’adihii kale iyo wasaaradihii dawladu ay foojar isticmaalan?

Gebo-gebadii Madaxwayne waxay umadu kaa sugaysaa in aad si degdeg ah talaabo u qaado oo aad keento qof nadiifa oo umadu ay ku kalsoonan karto, musuqna aan hore u soo samayn oo baadhitaankii lagu qanci karo.

Mudane Madaxweyne ma tuuganimadii ayaad ku abaalmarisay? Ma xoolihii umada ee uu sifaha khaldan uu adeegsaday ayaad abaal gud uga dhigtay goobtii la doonayey in aad gayso nin nadiifa oo umadu aamini karno, waxa uu soo qabtana lagu qanci karo? Madaxweyne, Ilaahaybaan kugu dhaarinee miyaanad umada Somaliland ka xishoonayn markaad ninkaa tuugaa ee aad ogtahay aad aad u magacaabayso meeshi musuqa lagala dagaalami lahaa?!!! Maxaad madaxweyne umada caqligooda u caayaysaa?!!!

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa: Hal xaaraani nirig xalaala ma dhaso! Oo macanaheedu maanta noqonayo nin tuug ahi baadhitaan sax ah ma samayn karo.

Shacab Somaliland-na waxaan leeyahay waa ninkaa hantidhowraha maanta ina leh waxbaan saxayaa. Waa kii la horgayn lahaa cadaalada ee xoolihii umada ee uu dhacay laga soo celin lahaa. Ilaahow cadaalad ayaan ku waydiisanay iyo dad sharaf iyo karaamo leh oo hantida umada lagu aamini karo.

Lasoco Qaybo Dambe ….

Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London.

Virus-free. www.avast.com