Maxay tahay arinta xisbiga kulmiye uu iskugu dhajinayo komeshinka doorashooyinka ?

 

 

noolaha alle uumey ee khalqigana waxaa ku gedaaman, caqabado iyo duruufo kala duwan kuwaasi oo u dhaca hadaba kartida iyo hababka maareyneed ee ay u wajahaan xigmada eebe ku maneystay madaxooda iyo maskaxdooda , taasi oo markasta noqota hanan iyo habab ay u kala wajahaan xaaladaha dhaqan iyo dhaqaale ee bulsheed , isla markasina madaxdooda iyo mufikirkoodu noqodo kuwa saamata bixiya bulshadada ku hareereysan , halka dhigooda kalena ay noqdaan kuwa aan marna hadaf iyo hanan qaabeysan u sameyn, hab nololeedkasi dhigoodu horumarka ka sameyey, hadana waxbaa la joogaa meel ay koonkan ka noqotay fikir kala qaadashadu , mid aad moodo in ay tahay hal magaalo caalamka oo idilna yahay meel safar iyo si fududbaa loo tagi karo , casrigaana si fudud loo kala iibsan karo wax badan oo midho dhal ah,

hadaba waxay tahay ujeedka uu xisbiga kulmiye ugu dhabar adeygayo doonista komeshaynka dooraashooyinka , muxuu se yahay ujeedka loo fasiran karaa ?

waa arin u baahan lafa gur iyo daraaseyn qoto dheer, si cilmeysana in looga baaran dego ayay u baahan tahay,

ma suuroobi kartaa in sida xisbiga kulmiye ku doodayo in komeyashankani sii wado ilaa bisha 8 aad ee sanadkan, isla markasina la bedelo, maxay se tahay ujeedka ku qarsoon ilaa wakhtigasi ?

ma laga filan karaa in ay komeyshanka iyo xisbiga kulmiye doonayaan in ay khal khal kale oo la mid ah, kii hore uga dhacay diwaan galinta doorashooyinka ay sameyaan, ?

 

muxuuse ahaa khaldaad kasi hore u dhacay ? dadku ma ku baraarugsan yihiin ?

haa ! sax wuu jiraa wuxuuna ahaa qodobo farsameysan oo hore looga baran degay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin 1. caruurta aan dad 16 jir ka gaadhin ee laga diwaan galiyey, goobaha badan oo ka mid ah dalka, kuwasi oo si badheedh ah, isla markasina baqasho leh, loogu sameyey xisbiga talada haya goobaha uu ku badan yahay .

2. waa qorshihii lagaga fogeyneyey dadkii isu diwaan galiyey codbixintaa in ay qaataan kaadhadhka codeynta ,

sidee ayaa looga fogeyey, arintani dad badan kamaa ay dhaadhacsaneyn balse waxaa soo baxday in aan tiro badan Codadkii iska diwaan galiyey bariga magalada hargeysa iyo koonfurteedaaba aaney ka helin kaadhadh koodii goobihii codeynta , taasi oo si hoos loogu dhigo tirada cododka ee meelaha qaar loo sameyey arimo farsamo , qofka joogaa gacan libaaxna loo direyey koodbuur ama goobo ay ka mid yihiin boqol iyo kontonka , taasina ay ka hor istaagtay in qofkii shaqeysaneyey iyo dumarkii guryaha joogayba si aaney u gaadhin laga mashquuliyo si ay wakhti u wayaan .

ma dhici kartaaa khalad intasi leeg system ahaan ,? maya ma dhici karto system ahaan hanankii iyo magacii iyo goobtii diwaan galinta ay isku dhexdaadiso , si computers ah , mana suuroobi karto ilaa ay hanankasi hirgaliyo company gii soo daabacayay, oo laga la baaran degay inuu sidasi sameeyo , wayo wuxuu nidaamyadu ku shaqeyaan seiral number kaasi oo goobkasta xidhmadeeda iyo dabacadeeda sameynaya sida loogu dhiibo buug kastaaba types kiisa .

3. komeyshankan oo aan si distuuriyan ah, u gudan waajibaadkiisa shaqo iyo xaqsoor isla markasina aad moodo inuu dhicina ka raran yahay , markastana komeyshankan wuxuu u muuqdaa kuwa baqdin siyaasadeed leh, oo aan gaadhi karin go aamo , gacanta loogu hayo hawlaha qaarkood . badnaa siyaasada waxay leedahay meelo layska dilo sida darteedna komeyshankan waxay u muuqdaan kuwa laga hayo xoogo khatar ah.

hadaba ma saameyn karaan hada ? ama mar kale ? maxaase dhici kara haddii koomeyshanku hawsha sii wato ?

 

waxaa iman kara khaldaad kale oo ay ku cuslaato komeyshanka danbe ee wakhtigu ku yar yahay kaasi oo haddiiba uu is yidhahdo sax u baahnanaya wakhti in loo siiyo arimaha farsamo iyo sixidooda , taasina waa midka ay xisbiga kulmiye iyo xukumadiisu doonayaan, isla markasina in ay la soo galan heshiis ay iyagu gacanta ku hayaan tira koobka iyo systemka iyo dhamaan macluumaadka oo idilba , si marka danbe ay ugu guuleysan karaan, sareynta doorashooyinka oo si farsameysan loo maareyey.

muxuu kaa qabaa xeerka doorashooyinku in bisha 8 aad la kala diro , farsamo ahaan komeyshankastaa xeerku wuxuu dhigayaa in la kala diri karo , haddii lagu kalsoonan wayo ama ay si waafi ah u gudan wayaan shaqadooda , hada iyo wakhtigasi maxaa u dhexeeya ee u diidan in la kala diro hadaba , taasi waa mida shaki badan abuureysa isla markasina keeneysa in ay marba marka ka sii danbeysa sii goayaan.

 

Sir Mohamud Hussein Awliyo