Maxa Xilka Looga Bedelay Isna Xilkaba Iskaga Casilay Gudoomiiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex: Halkee Wax Iska Qaban La’yihiin

 

 

Dadku waxay ka doodayaan waxyaalo iska caadi ah, waa laga qaaday, mayee wuu is casilay, hebel dartii baa looga qaaday, isna uu leeyahay taas waxba kama jiraan iyo arrimo ii gaar ah baan isku casilay, wax intaas dhaafsiisan wali ma arag cid hadal hayse.

 

haseyeeshee dhinac kale aan arinka u sibir saaro, waa la igu diida karaa waana la igu ogolaan karaa, laakiin waa aragtiidayda gaaban.

Gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali isaga soo saaray oo garoon uu ku soo baxo keennay Axmed Dalmar Halac oo xilkan weyn udhiibay, waxaanu wakhtiyadii hore ahaa Garsoore kaliya, waxa uu siiyey fursado badan iyo in arrimaha maxkamadaha uu isagu kaligii ka hadlo, isaguna si fiican buu dadka isku baray kana fa’iidaystay fursadii uu helay.

Hadaba halkee wax ka qaloocdeen:

Gudoomiyaha maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali wuxuu og yahay in mudadiisii ka dhamaatay ka dib markii madaxweyne isku deegaan yihiin taladii dalka yimid, imikana la sugayey uun inta uu dhamaystirayo isbedel ka socday bahda garsoorka, waana loo sheegay inuu diyaar ahaado in la bedelayo sidaan wararka ku helayo.

Gudoomiyahan la bedelay Axmed Dalmar marka uu ogaaday inuu meesha banaynayo saaxiibkii Aadan Xaaji Cali waxa uu damac ka gallay inuu kursigaasi ku sii siqo oo uu booskaasi doonto, haseyeeshee gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan wuxuu booskan la damacsan yahay saaxiibkii Mubaarak Aar oo isku macalimiin ka ahaayeen jaaamacada Hargeysa, imikana gudoomiya ka ah jaamacad gaar loo leeyahay, hadii booskaasi uu saaxiibkii helo isna waxa uu ku ruqaansanaya jaamacada saaxiibkii soo baneeyey inuu madax ka noqdo.

Waana sababtaasi sababta loo gaabinayaa xawaarihii dheereenayey ee uu ku socday Garsoore Dalmar oo garoonkii uu kaligii ku ciyaarayey looga saarayo.

Dalmar laftiisu wax buu fahansan yahay sidaas darteed waakan ka hor dhacay ee ku doodaya inuu is casilay, sababtu waxa weeyi marka xilkii sare ee uu jooga laga qaado macnihiisa waxa weeyi shaqadaasi culus wuu ka soo bixi waayey si aanu u hungureyn meel ka sii saraysa, si arrintaasi loogu eedeen ayuu isna meesha baneeyey isago hawshiisa u ruqaansiga xaga sarena ku guddo jira waana sababta uu uga gaabsaday inuu cid eedeeyo ee uu u leeyahay waa arrimo ii gaar ah ayaan u baneeyey.

Faaqidadaasi kooban waa fahankayga ii gaar ah iyo sidaan u arkay inay wax u jiraan, siyaalo kale oo badana wax way u dhici karaan, mahadsanidin.

W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar