Rashiid Jaamac Dhari oo si adag uga hadlay Qoys Madaxtooyada Somaliland Dhul ka qaadday

Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dhari (Sheekhul Axmar) oo ka mida siyaasiyiinta xisbiga Waddani, ayaa si adag uga hadlay dhul Xukuumaddu ka qaadday Qoyska Maxamed Xasan Dalab oo maalmihii u danbeeyay cabashadiisu warbaahinta ka socotay isagoo madaxwayne biixi ugu baaqay in uu fara uga qaado dhulkiisa

Sidoo kale siyaasi Rashiid, ayaa soo bandhigay shaqsiyaad isugu jira ganacsato, masuuliyiin iskuul iyo xubno kale oo  ay isku jufo hoose yihiin maxamed xasan dalab oo madaxwayne biixi tacadiyo kala duwan kula kacay

Dhanka kale, siyaasiga, ayaa Madaxwayne Biixi uga digay in uu cid gaar ah bartilmaameed ka dhigto una adeesado awoodii qaranka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.